Dhammaan hadii aanu nahay bahda Al Mahra Media, maamulka sare ,tifaftirka, Qeybta warqabadka iyo dhamaan taageerayaasheena waxaan hambalyo ku aadan munaasibadda ciidul-adxa u diraynaa umadda muslinka ah meelkastey aduunka ka joogaan ,gaar ahaan umadda soomaaliyeed oo boqolkiiba boqol muslim ah waxey bahda Al Mahra Media leedahay caafimaad ku ciida ,nabad iyo barwaaqana Allaha na siiyo
Aamiin Aamiin Aamiin
dinsdag 15 oktober 2013
zondag 15 september 2013
Odeygii ugu weynaa caalamka
Ninkii ugu da'da weynaa caalamka Salustiano Sanchez ayaa ku geeriyooday Mareykanka .
Salustiano Sanchez wuxuu ka shaqeyn jiray sonkorta dalka Cuba ,kolkii dambana wuxuu qaxooti ahaan u galay cariga Mareykanka uu muddo dheer ku noolaa.
Oday Sanchez ayaa dhashay sanadii 1901.
Wuxuu ku dhintay isbitaalada lagu xanaaneyo dadka waayeelada ah.
Dowlada Talyaaniga ayaa durbadiiba sheegtay iney hayaan Oday 111jir ah ,lakin waxaa recordka ilaa hadda ah oday reer Japan ah oo la yiraahdo Misao Okawa oo ay da'diisu kusii dhowdahay 115 sano.
Waxaa idiin soo diyaariyay
vrijdag 6 september 2013
Beesha Leelkase oo cabaneyso
Nabadoonka guud ee beelaha Leelkase ee gobalka mudug nabadoon Maxamed Xaashi Cigaal ayaa walaac balaaran ka muujiyay cadaalo darada baahsan ee Puntland hareysay, mar uu u waramaayay saxaafadda wuxuu sheegay nabadoonka in guud ahaan beeshiisa Leelkase ay ku dulman yihiin nidaamka siyaasadeed ee Puntland.
Marka loo eego xildhibaanada,dhinaca deeqaha wax barashada nidaamka dowladnimo iyo waxyaabo kaloo badan.
15 sano ayeey Puntland jirtaa weli wax mucaawimo ,saami qeybsiga deeqaha waxbarashada ardeyda loogu diraayo Turkiga, Carabaha iyo Malesia 1 qof nagama soo gaarin, halkaana waxaa ka cad in shakhsiyaad iyo beelo gaar ah eysan sad bursi ku heystaan ayuu yiri suldaanku.
Isagoo sii hadlaya wuxuu kaloo suldaanku yiri gudoomiyaha gobalka mudug, taliyaha milateriga , talyaha nabadsugida, dhamaantood waa isku qoys,taana cadaalad maahan ayuu ku nuuxnuuxsaday suldaan Maxamed Xaashi Cigaal.
Suaalo ey weydiiyeen saxaafadda suldaanka oo aheyd in dowladda Puntland iyo madaxdeeda uu kala hadlay arinkaan iyo dhalilaha uu sheegayo wuxuu yiri suldaanku isagoo dhoola cadeynaayo "Waxaan xafiiskiisa ugu tagay madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole markii aan baahida iyo cabashada aan tabaneyno u gudbiyay wuxuu iigu jawaabay Dowladii Siyaad Barre miyeeysan wax idiin qaban ? taana ma ahan mid beelweynta Leelkase oo ka mid ah beelaha daga Puntland ey xaq u leedahay."
Ugu dambeyntii suldaan MaxamedXaashi Cigaal wuxuu madaxda Puntland ugu baaqay iney dhamaan beelaha Puntland iney si cadaalad ah wax ugu qeybshaan oo aysan noqon guri nin leeyahay.
Akhriste ma ahan markii ugu horeysay oo salaadiinta Puntland ey dhawaaqaan, waxaana tan ka horeysay dhawaaqii nabaddoon Yaasiin Cabdi Samad,taana wexey kusoo aadeysaa xili la filayo in doorashooyin ey ka dhacaan Puntland madaxweyne Cabdiraxmaan na uu yahay musharax u taagan inuu mar kale qabto hogaanka Puntland.
Waxaa isku soo ururiyay
Abshir Axmed Maxamuud
Al Mahra Media
Hoos u dhaca dhaqalaha Reer Galbeedka saameyn intee le’eg ayuu ku yeelani karaa qaxootiga kunool Yurub?

Dalalka EU waxay sameysteen lacag loo bixiyay Euro, iyo sharci mideysan oo xaddidaya dadka socotada ah ee magangelyada raadinaya, kuwaasoo ka soo tallaabaya qaaradaha Africa, Asia, iyo dunida carabta qaarkood.
Sannadkii 2000, dalalka EU amma Midowga Yurub waxay gaareen heshiis loogu magacdaray Geneva Convition oo la xiriira xaddidaadda dadka bilaa sharciga ah. Ka dib markii ay dhaqangeliyeen heshiiskaasi ayaa waxay haddana ku heshiiyeen inay sameystaan sharci ku saabsan dhaqaalaha, iyagoo sameystay lacagta Euro.

Heshiiskaasi dhanka dhaqaalaha dalal badan ayaa ka soo gaaray dhaqaale burbur, waxaana ka mid ah dalalkaasi Italy, Greece, Holland, Spain iyo dalal kale, kuwaasoo xaaladooda dhaqaale lagu sifeyn karo inuu burburay ammaba la oran karo inay musalifeen.
Dalalka aan lacagtooda Euroda darteed u burburin waxaa ka mid ah Norway, Britain, iyo Sweden waxay yihiin kuwo ka badbaaday dhaqaale burbur, waxaana ay yihiin kuwa ugu horreeya dhanka dhaqaale siinta dadka qaxootiga waxaana dalalkaasi ay kaalimaha ugu horreeya ka gaalaan marka qiimeynta lagu sameynayo qaxootiga iyo sida ay ugu nool yihiin wadamada ay magangelyada ka haystaan.

Dalalka Italy iyo Greece waxaa la sheegay inay amaahyo badan ka galeen dalalka Yurub iyo Bankiyo caalami ah, kuwaasoo ah kuwo ka wada dhaxeeya dalalka Midowga Yurub.
Wadamada qaarkood, sida Greece, marka ay ka wadahadlayaan arrimaha dhaqaalaha waxaa kulan deg deg ah yeesha xukuumadooda iyagoo u nisbeeya ammaahda badan iyo dhaqaale burburka lacagohoodii oo ay ku bedeleen Euro-da.
Waxaa kaloo ay eedsadaan in ku biirista ay ku biireen Midowga Yurub ay qeyb weyn ka tahay dhaqaale burburka soo gaaray.
Dalka Talyaaniga ayaa sidoo kale ka mid ah wadamada ka shalaysan burburinta lacagohooda. Talyaaniga oo ku caan baxay lacagta loo yaqaan Liirada oo isticmaalkeedu uu hoos u dhacay, bedelkeedana dadku ay isticmaalaan lacagta Euro-da.
Si kastaba ha ahaatee, wadamada dhaqaale darridu saameysay ee reer Yurub waxay haatan baadigoob ugu jiraan qaababkii ay uga samatibixi lahaayeen hoos u dhac
Waxaa isku soo ururiyay
Faduma Abshir Ahmed
Tifaf tiraha Al Mahra Media
Faduma Abshir Ahmed
Tifaf tiraha Al Mahra Media
dinsdag 3 september 2013
Madaxweyne Faroole oo Addis Abeba gaaray

Mudane Faroole wuxuu kulan la yeesha ra'iisul wasaaraha dalkaas Ethiopia HeileMariam Desalegn, kulankaas oo intiisa badan ahaa dacwad ka dhan ah dowladda federaalka oo uu mudane Faroole ka codsaday dowladda Ethiopia ineey taageerada kala laabato dowladda federaalka .
Wuxuu kaloo Faroole ka codsaday ra'iisul wasaaraha Ethiopia inuu ka caawiyo dowlad goboleedka Puntland sideey uga qeyb gali leheyd shirka New Deal si ka madax banaan DF.

Waxaa isku soo ururiyay
Abshir Axmed Maxamuud
zaterdag 31 augustus 2013
Suldaan cusub oo carab saalax yeeshay

Madasha caleemasaarka waxaa soo buuxdhaafiyay culumaa'udiin, aqoonyahaano, issimo, haween iyo dadweyne kale oo isaga kala yimid gobalada iyo deegaanada ay degaan beeshan Meheri .
Xubnigii isimada iyo nabadoonada ee madasha Suldaanka cusub oo ka mid noqon doona isimada iyo nabadoonada beesha Carab Saalax.
Suldaan Cabdullahi Abukar Jaamac ayaa gabagabadii madasha ka hadlay ,wuxuuna u mahadcelyay guud ahaan beesha Carab Saalax sida ay isaga xilkaan culus ugu igmadeen, isagoo ballan qaaday mideynta iyo isku xirka beesha meelkasta oo soomaaliya degantahay.

waxaa soo diyaariyay
Abshir Axmed Maxamuud
vrijdag 30 augustus 2013
Al fanaan Nuur Daalacay muxuu ka damqaday ?

Caayda iyo aflagaadada ey baryahaan siyaasiyiinta, mucaarad iyo muxaafidba wuxuu ku tilmaamey al fanaan Nuur Daalacay mid laga damqado oo ay ceeb iyo fadeexad ku tahay umadda reer Soomaaliland oo nabad iyo isfahan ku caano maalay, lakin in la is nasab caayo, in reerihii la xamaasadeeyo iyo in la abuuro jawi kicin iyo dareen colaadeed ah waa mid meel ka dhac ku ah Soomaaliland oo demoqraadiyad iyo tubtii nidaamka xisbiyada qaadatay kuna caano maashay ayuu fanaanka ku nuuxnuuxsaday.
Wuxuu Nuur Daalacay kusii daray :"Hadaad moodaan ceydaan in Hargeisa uun laga ogyahay waxaad ogaataan in caalamka leydinka dhageysanayo, caalamkuna fahamkii shalay uu bulshada reer Soomaliland ka qabay uu isbadali doono ."
Dhinaca kale abwaan fanaan Nuur Daalacay wuxuu saxaafadda ka codsaday ineysan baahin ceebaalkan iyo foolxumooyinkaan baaryahaan hareysay sagxadda siyaasadeed ee Soomaaliland, wuxuuna ku soo afmeeray damqashadiisa in Soomaliland ey la mid tahay ceel cidkasta ey biyo ka cabeyso, nina eysan dan u eheyn inuu ceelkaasi aasmo.
Waxa soo diyaariyay
Abshir Axmed Maxamuud
Beesha Meheri Ismaaciil oo fadhi yeeshay
Duqeyda iyo wax garadka beesha Meheri Ismaaciil ayaa shir uga qabsoomay gobolka mudug magaalada Gaalkacyo.
Isaraga iyo kulankaas oo soo qabanqaabiyay nabadoonka guud Cabdi Barre Xuseen Kooshin, waxey uga arinsanayeen dhowaaq baryahaan soo baxayay oo sheegaya in qeybo isla beesha meheri ismaaciil ka tirsan laftooda ey wadaan in isin cusub loo magacaabo oo ay beesha meheri yeelato , taana waxaa ka biyo diiday nabadoonka guud isagoo uga digay beesha inteeda kale in arinkaa aan lagu dagdagin magacaabida isinkaa, taana waxey keeni doontaa kala qeybsanaanta iyo beesha oo 2 u kala jabto.
Duqeyda fadhigaa joogtay iyo nabadoonada waxey fariin u direen kuwa deegaanka jallam ee nugaal in arrinkaa uu yahay mid eyna u dhameyn iskuna waafaqsaneyn beelweynta meheri ismaaciil ; bari , galbeed iyo koonfurba.
Isinka la magac dhabay oo ah Cabdulaahi Abuukar oo xiligaan magacaabistiisa iyo caano ku shubkiisa khilaaf ba'ani ka jiro ma wuxuu noqon doonaa mid beesha meheri ismaaciil mideeya mise mid sidii markii horeba ey u kala fogeyd.
Jawaabta suaashaan wakhtiga ayaan u deyneynaa.
Waxa isku soo ururiyay
Abshir Axmed Maxamuud

Duqeyda fadhigaa joogtay iyo nabadoonada waxey fariin u direen kuwa deegaanka jallam ee nugaal in arrinkaa uu yahay mid eyna u dhameyn iskuna waafaqsaneyn beelweynta meheri ismaaciil ; bari , galbeed iyo koonfurba.
Isinka la magac dhabay oo ah Cabdulaahi Abuukar oo xiligaan magacaabistiisa iyo caano ku shubkiisa khilaaf ba'ani ka jiro ma wuxuu noqon doonaa mid beesha meheri ismaaciil mideeya mise mid sidii markii horeba ey u kala fogeyd.
Jawaabta suaashaan wakhtiga ayaan u deyneynaa.
Waxa isku soo ururiyay
Abshir Axmed Maxamuud
Loolanka Cabdi xafiid iyo Cabdinaasir Sola
Xog isasoo tareysa ayaa sheegeysa in xurguf iyo tartan dhanka jacaylka ah uu ka dhaxeeyo wariyeyaasha caanka ah ee Cabdi Xafiid Maxamuud Jaamac iyo Cabdinaasir Sola oo 2daba ka mid ah wariyeyaasha telefishinka caalamiga ah ee Universal.
Labada suxufi ayaa in muddo ah ku tartamaayey hanashada gabadha lafteeda caanka ah Jamiilo Xassan Garuun oo ka mid ah wariyeyaasha loogu jecelyahay ee telefishinka Universal.
![]() |
dhinaca midig = Cabdi Xafiid , dhinaca bidix =Cabdinaasir Sola , dhaxdooda waxaa ah Jamiilo |
Labada wariye waa xaaslayaal,haddana waxaa hunguri uga jiraa in mid waliba uu jamiilo gacanta ku dhigo .
Cabdi Xafiid oo isaga ah wariye caan ah oo barnaamijyo muhiim ah kasoo daayay tvgaas, waxey xogta sheegeysa in isaga iyo Jamiilo ey aad isugu dhawyihiin, is garab fadhiyo mar walba, howlaha tvga isla daadihiya, waxeyna xogtu sheegtay in xariir qarsoodi ah uu ka dhaxeeyo, Jamiilo laftedana xushmad iyo qadarin siiso.
Dhanka kale Cabdinaasir Sola wuxuu marwalba jecelyahay inuu ka ag dhowaado jamiila waxeyna mar walba ku kaftamaan aniga ayaa kaa nasiib badan iyo aniga ayaa kaa nasiib badan, taasoo macnahedu yahay aniga ayaa u qalmo Jamiilo iyo anigaa kaa mudan.
Akhriste fikirkaada kasoo dhiibo 2da wariye kii aad jamiilo siin laheyd.
Waxaa ururiyay
Al Mahra Media
Cabista shiishada iyo cuduradeeda

Baaristan lagu sameeyay dadka isticmaala cabista shiishada oo rag iyo dumar isugu jira waxaa lagu soo faafiyay shabakada caafimaadka ee life science , iyadoo la xaqiijiyay in biyaha ku jiro shiishada ama badeecada ee la jiido ay la mid tahay waxyeelada sigaarka leeyahay oo kale, islamarkaana ay biyuhu wataan carbonmonoxide, iyadoo ey xaqiijiyeen cilmi baarayaasha in tuubada qiiqa soo maro lafteeda laga qaado cudurka kansarka.
Daraasadaan oo ay sameeyeen qubaro Mareykan iyo Japan isugu jira oo ku xeeldheer cudurka kansarka waxey hoosta ka xariiqeen 45.3 boqolkiiba dhalinyarada ay sedex meelood cabaan badeecada ama shiishada, iyagoo weli ku darsada tubaako iyo waxyaabo kale, halka 46.6 boqolkiiba ay dadka waayeelka ah iyaguna sigaarka cabaan .
ugu dambeyntii warbixintaan waxey odoroostay in 25 boqolkiiba dadka caba shiishada ey u badan yihiin dhalinyaro da'doodu aad u yartahay iyadoo warbixintu kusoo gabagabeysay in tubaakooyinka lagu dhex daro shiishada ay wataan cuduro ay ka mid yihiin bacteria ,infection,oo dhamaantood laga qaado cabista shiishada .
waa qalinkii
Faduma Abshir Axmed


waa qalinkii
Faduma Abshir Axmed
maandag 26 augustus 2013
Dhalandhoolka dhalaanka dhib weyn baan ku Qabaa
Tahriibku waa Aafo, Musiibo iyo mahalako bulshada Afrikaanka guud ahaan gaar ahaana Umadeena Somaliyeed saamayn baaxadleh ku haysa, waa cudur iyo Caadaysi galaaftay kumanaan kun oo da’yartii cilmiga iyo cududa u ahayd dalka, waa mushkilad maaraynteeda aynu guud ahaan masuul ka nahay aynu u sii kala mudnaanee, waa Mihnad mudooyinkan danbe meherad u noqotay wax magarato maan-raac ah oo aanay masuuliyadi ka saarnayn umadan haadka shimbiraha iyo hanfiga saxaraha loo dhigayo ama badweyn lagu haligayo inta huudhi buufimo ah si hoosiis ah habeen loogu guro..
Hadaba su’aasha taagani waxay tahay Tahriibku ma wuxuu noqday tab iyo xeelad aynu waalidkii inagu soo tabcay ugu bedelayno tiiraanyo, tacab khasaar iyo taftaaf aduunyo?

Somaliland waa dal hodana oo khayraadkiisa dabiicaga ahi kufilaan karo dunida kalena anfici karo hadaynu madax iyo minjo isu xulafaysano mustaqbal ifaya oo bulshadu kaga guurto halkan aynu taaganahay ee niyad xumada iyo rajo beelka da’yarteenii ku abuuray,
Hadaynu guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo dhinacyada qaranku ka kooban yahay ay xafiiltanka siyaasadeed iyo isu xulafaysiga shakhsi araga ah intaynu dhan isakaga Tiirino u tafaxaydano tayaynta bulsho isku tiirsan oo dhaqaale iyo maamul xoogan leh oo musuqmaasuq iyo cadaalad daro ka madhan kuna dhisan mabda’a maamul wanaaga iyo midnimada shacabka, dal dunida kale tusa danahooda si aynu uga iibino Ictiraafka aynu baadigoobka mudada ugu jirnay, dal dunida aqoonsi ka haysta dadkiisuna ku Najaxaan.
Aqoonyahankaa iyo xoogaa dalka ee maalin walba u xidhxidhan safarkaa aan dhamaadkiisa la ogayn iyo bulshadaa bir-magaydadeedii yurub ilaa dalka baylahdeedii waraabuhu ku cunayo, waa kuwii dalkan ka dhigi lahaa mid isaga loo soo tahriibo oo dunida kale u soo shaqo iyo shaxaad doonato, nasiib darose waxay ka doorbideen in dal kii lahaa uu hagaajistay ay noloshiisa u hanqal taagan,
Waxaan ku soo ururinayaa maqaalkaygan Tahriibku waa naftaadii oo aad galaafanayso, gumaynayso oo aad gaajaysiinayso , waalidkii oo aad goblaminayso iyo dalkaagii oo aad gaabis gelinayso ee aynu ka dheerayno umadeena, maxasteena iyo dhalaankeenaba ugana digno masiibadan ba’an ee inagu habsatay ee Garbabeelka iyo ganacjabka inagu ah.
Iyadoo aan madaxweynaha uga mahadnaqayno gudidii ladagaalanka Tahriibka iyo shaqo abuurista ee uu dhawaan dhisay, waxaan leenahay mudane Madaxweyne Gudidaas weli warkeedu wuu nagu yaryahay hawshanina waa hawl culus ee waa in la dardargeliyaa dhakhsana wax la taaban karo ay u muujiyaan si looga badbaado musiibadan Tahr
waa fikirkii qoraaga
Qurbo joog iyo qorax joog maxaa kala heysta ?
labadii sano ee ugu dambeysay waxaa muqdisho ku soo qulqulayay somaali qurba joog ah oo muddo 20 sano ka badan ku maqnaa dalka dibadiisa.
Qurba joogta dalka kusoo laabatey waxey kusoo kordhiyeen dalka wax badan oo faa'iido ah ,dhinaca kalena waxaa barbar socda kuwo kusoo kordhiyay anshax xumo .
Haddaba maxay qorax joogta Muqdisho iyo qurba joogta u yimid isku qabaan ?
- Shukaansiga

"Anaga hadaan nahay qorax joogta Muqdîsho maalmahaan calankeena wuu dansanyahay, maxaa yeelay gabdhihii waxay u jan jeeraan rag qurbaha ka yimid .Hadaadan halkii hadalba aadan daba dhigin 20 ama 30 doolar ugu yaraan hadalkaada lama maqlaayo" ayuu ku nuuxnuuxsaday mid ka mid ah dhalanyarada qorax joogta muqdisho .
Nin kale oo dhalanyaro ah oo ka mid ah ragga guurdoonka ah ayaa isagana sheegay in gabar ey muddo 2 sano ah saaxiib ahaayeen oo ey ilaa iyo heer guur ku heshiiyeen ayaa habeen isagoo la jooga ey gabartii weydiisay caawa waxaan rabaa 30 doolar oo aan shopping ku sameysto , wuxuu wiilkii ugu jawaabey hadda lacag ma haayo bisha markey dhamaato ayaan ku siinayaa, gabadhii oo wijigeeda caro ka muuqato ayaa inankii ku tiri wax yar isug kadibna waxey taleefoon u dirtay nin uu wiilka u maleynaayo inuu qurba joog yahay hadal dheer kadibna waxaa usoo dhacay message lacag loogu soo diray ZAAD oo 200 oo doolar ah , fiiri ayee ku tiri inankii adeer jaceylka aad ii sheegeyso dhab kaama aha ee ina kala daa hadii aad 30 doolar ii awoodi weysay.
Wiilkii mudada dhisayay jaceylkii uu filayey inuu guur ku dhamaado habeenkii halkaa ayuu ka huleelay , waana mid ka mid ah dhibaatooyinka heysta qorax joogta Muqdîsho.
2 sano horteed dhalinyarada haasaawa doonka ah ee reer Muqdîsho waxey gabdhaha ey la haasaawayaan ey ugu badnaan weydiisan jireen 1 ilaa 5 doolar oo kaar taleefoon ah , lakin maanta warkii hore war soo dhaaf, waxey mareysaa 10 doolar oo gaari raac ah soo tuur, liido seafood i geey oo markii ey ugu yartahay laga kacaayo 30 ilaa 40 doolar.
" Hadeysan dowladu arintaan soo faro gelin walaahi waxey tageysaa inaan miino u aasno qurba joogtaan gabdhihii nugu diray" sidaa waxa ku hanjabay nin dhalanyaro ah oo gabadhii uu jeclaa uu ka dul qaaday mid qurba joog ah .
Isku soo duub oo dhibaatadan dhex taal qorax joogta dhalinyarada Muqdîsho iyo qurba joogtan sida daad ugu qulquleysa waxey u baahantahay qareeno kala dhax gala .
Waxaa isku soo uruuriyay
Al Mahra Media
Wiilkii mudada dhisayay jaceylkii uu filayey inuu guur ku dhamaado habeenkii halkaa ayuu ka huleelay , waana mid ka mid ah dhibaatooyinka heysta qorax joogta Muqdîsho.
2 sano horteed dhalinyarada haasaawa doonka ah ee reer Muqdîsho waxey gabdhaha ey la haasaawayaan ey ugu badnaan weydiisan jireen 1 ilaa 5 doolar oo kaar taleefoon ah , lakin maanta warkii hore war soo dhaaf, waxey mareysaa 10 doolar oo gaari raac ah soo tuur, liido seafood i geey oo markii ey ugu yartahay laga kacaayo 30 ilaa 40 doolar.
" Hadeysan dowladu arintaan soo faro gelin walaahi waxey tageysaa inaan miino u aasno qurba joogtaan gabdhihii nugu diray" sidaa waxa ku hanjabay nin dhalanyaro ah oo gabadhii uu jeclaa uu ka dul qaaday mid qurba joog ah .
Isku soo duub oo dhibaatadan dhex taal qorax joogta dhalinyarada Muqdîsho iyo qurba joogtan sida daad ugu qulquleysa waxey u baahantahay qareeno kala dhax gala .
Waxaa isku soo uruuriyay
Al Mahra Media
Somali Airlines oo dib u socdaali doonto

Wasiirka war faafinta, boostada,isgaarsiinta iyo gaadiidka mudane Cabdulaahi Ciilmooge Xirsi ayaa warbaahinta u sheegay iney rajo weyn ka qabaan iney dib u howl gali doonto shirkadii duulimaadyada diyaaradaha soomaali airlines intuu sanadkaan dhamaan.
4diyaaradood ayaan balan qaad ku helnay oo ay shirkadu ku howl gali doonto,wuxuu kaloo wasiirku sheegay iney xariir la yeesheen caalamka iyagoo helay diyaarado, duuliyaalne ay la xiriireen, xadiisyadii iyo xarumihii shirkadu ku howl gali jirtayna hadda gacanta lagu haayo sidii loo baneyn lahaa, wuxuuna wasiir ciilmooge rajo weyn ka muujiyay in dadka soomaaliyeed mar kale arkaan diyaaradii calankooda ku duuli jirtay oo caalamka goosheysa , kuna soo degta garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde International Airoport.

Akhriste waa rajo iftiimeyso
Waxaa diyaariyay
Abshir Axmed Maxamuud
Maamulka sare ee Al Mahra Media
zondag 25 augustus 2013
Nabadoon Yaasiin Cabdi Samed ” Madaxweyne Faroole iyo Xukuumadiisa waa in maxkamad la saaro
Nabadoon Yassin Cabdisamed oo ka mid ah nabadoonada sida weyn looga yaqaano deegaanada Puntland ayaa ku baaqay in maxkamad la soo saaro madaxda xukuumada haatan talada haysa ee Puntland.![]() |
nabaddoon Yaasiin Cabdi Samad |
Yasin Cabdisamed ayaa si faah faahsan u sharaxay dhismihii iyo aas’askii Puntland isagoo sheegay in ay Puntland dhisteen beelo isku yimid oo danaynayay soo nolayntii qarinamadii Soomaliya iyadoo waqtigaasna aysan jiran wax nidaam ah oo ka jiray guud ahaan dalka soomaliya.
Nabadoon Yaasin ayaa sidoo kale ka warbixiyay balanqaadyo ay samaysay xukuumada madaxweyne faroole ee haatan talada haysa isla markaana aysan waxba ka qaban mudadii 5 sano ahayd ee ay talada haysay.
Wuxuu sheegay in dalka uu galay marxaladii ugu adkayd abid intii ay jirtay Puntland iyadoo ay dhaceen dhacdooyin tiraanyo iyo xanuun ku reebay dadka reer Puntland kuwaas o iskugu jiray dilal qorshaysan oo aan wali cidna lagu tuhmayn sicir barar ku baahay dhamaan deeganada Puntland iyo caburinta Saxaafada madaxa banaan oo qarkood haatan ay u xiranyihiin xukuumada hadda jirta ee madaxweyne Faroole .
Sadoo kale nabadoon Yaasin Cabdisamed ayaa sheegay in taladii dalka oo dhan ay gacanta u gashay madaxweyne faroole iyo koox ka ag dhaw isla markaana ay isku dayeen in ay shacabka ku qasbaan wixii maankooda ku soo dhaca .
Dhanka kale nabadoon Yaasiin ayaa ka war bixiyay diidmadii shacabka gobolka Mudug ay diideen nidaamkii asxaabta badan iyo doorashooyinkii goloyaasha deegaanka ee ay doonaysay xukuumada Puntland in ay ka fuliso deegaanada Puntland.
Wuxa ku tilmaamay nidaamkaas mid gacan ku samays ahaa oo aan loo soo marin dariiqiisi isla markaana la doonayay in muda kororsi xeeladaysan lagu fushadu balse ay shacabka Puntland dhamaantood si isku mid ah uga soo horjeesten in aan dalka lagu maamulin afkaartii Kacaanka.
Ugu danbayntii nabadoon Yaasin Cabdisamed ayaa ugu baaqay shacabka reer Puntland in ay maxkamad la tiigsadaan madaxweyne faroole iyo dadka la shaqeeya oo dhamaantood danbi ka galay shacabka Puntland isla markaana wax laga weydiiyo dadkii sida bareerka loogu dilay Puntland
Waxa soo diyaariyay
Abshir Axmed Maxamuud
vrijdag 23 augustus 2013
Ex. xildhibaan jeelle :dowladu waxey ku fashilantay sugidda amniga muqdisho
![]() |
Salaad Cali Jeelle |
Ex xildhibaan Jeelle wuxuu hoosta ka xariiqay inuu amaanka uu faraha dowladda kasii baxaayo maalinba maalinta ka dambeysa ,dowladuna eysan awood u laheyn iney xakameyso amniga caasimadda ,isagoo taa ku sababeyay aqoon daro iyo garanwaa uu dusha uga tuuray wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka iyo saraakiisha amniga qarankaba ineysan wax aqoon ah u laheyn howsha loo igmadey, taana ey keentay in amniga uu faraha ka baxo.
"Dowladda aanu ka sugeynay iney mawaadinka soomaaliyeed amnigiisa sugto ayaa lafteda soo wajahday baqdin xoogan taana waxaa calaamad cad u ah dhagxaanta difaaca oo ay soo tubeen wadooyinka mara mudiqho" ayuu yiri ex xildhibaan Jeelle .
Isku soo duub oo hadalkan mudane jeelle ka dhawaajiyay ayaa imaanaya xilli mudooyinkii dambe dilal iyo weeraro is miidaamin ah ey kusoo badanayaan muqdisho iyo nawaaxigeeda .
Abshir Axmed Maxamuud
donderdag 22 augustus 2013
DOODA NUGAAL IYO DAALADHACA SIYAASDA DOORASHADA PUNTLAND |
Doodu waa nugaal iyo daaladhaca siyaasada doorashada Puntland, waa doorka uu qabiil walba ku yeelandoona Darka doorka soo socda laga dhaansan doono, qabiil walba dowliskiisa ayuu xargo dhumuc iyo dherer leh u raadsanayay, xeel, xaqdaro iyo xoog siduu doono haku soo helee, waxa baratanku ahaa yaa maaxda hore dowliskiisa inta uu u rito dalawadiisa ka dhaansan doona, inta kalena daba taali doontaa, ayaga oo hoganaya inta hormoodka doorkani fulayo, yaase caraqda iyo calaska danbe looga tagi doonaa, oo inta dalawadiisu dhibic iyo dhururuq darka ka weydo, ka dul olali doontaa, ayada oo la isku haaraamayo, lana leeyahay ciilow wayeey ma cosob ayaan waligeed calfan ceelka Nugaal oo maanta cid uga cudud rooni jirin, waase geel jire iyo xaalkiis, dhaan waliba ka soo hayaan caradiisii isaga oo u soo hubqaatay dalawadiisa, balana qaadaya in uu soo guryo noqon doono asaga oo horweyntiisu tahay tan maaxda doorkan bishimahoodu ka tirtiran doonta.
Nugaali maanta waa CAKAARA, oo waxa ka soconayaa “WAA NIN WALIBA CEESAANTII CEELKA KEEN”, Dhaamankiina u soo kala socdaale, Cayn iyo Sool ayaa dhaamanka ka imaanaya nin kaliya lagu aamini waayay, amase isku aamini waayeen, Dr:Saleebaan ayaa sarwaan iyo siriq la iskugu soo daray ileen waa Darwiish daacad ahe, iyada oo lagula soo dardaarmay WAAR DALAWADA, DARKA IYO DOORKA MAANTA AH, Cali Baashise uma arag sidaas isaga oo Reer Sool iyo Cayn ku leh “Qumanaan laheydaa in Cali Dalawada hogaanka u hayo, Darkuna meel nagama jireen markaas”, looguse war celi “Kolay ceelka waad wadi tagi doontaane DALAWADIINU yaanu noqon tan dacarta fuuqfuuqsan” WARI KU DHAN.
Socotada Mudug ayaa iyadu hamuuntu ku yareyd, iyadoo lagu xamanayay in waayadan labacanleyn ku jireen kolkii ay u fooftageen ceelal durugsan oo maax iyo maareba kala kulmeen, Muqdishay aheydna la lahaa, wallow maanta laga soo meel mariyay, sidoo kale ayaa Darkan Nugaaleedi aheyn mid maaxdiisu ku cusub tahay, ayna ahaayeen kuwii u ritay WADAANTII ugu horeeysay, kana durdursaday inta ayan sidii baykalaha laga sheegi jiray ee la oran jiray “BAKAYLUHU INTA UU BUR KU JIRO AYUU BUR KALE SII DOONTAA” u baqoolin ceelkaas Banaadir, balse WAX RAAGA RAG KUMA SAMEE, damac kale u muuqay, isna tuse in ay xirfad iyo xodxodasho dheeri ah hadii ay la yimaadaan Darka dowlis kale u ridan karaan, iyagoo iska dhaadhiciyay in daw walba oo loo maro Ceelkan Nugaaleed ayagu yaqaaniin, hal hayskooduna ahaa “WAA LAGUU YAQAANAA, MEEL MA JIDHO” ayaa socotadii Nuuradiin la yiri xarigeeda qabo, qonof reer ceelcad caan ku ahaayeena waa lasoo baray, si uu socotada dhaamanka kale wadata dibir ugala daalo, iyadoo gacantana loosoo gashay qadwaan qaarar wayn, qarqarkana loosoo suray qaanso aan reer Mudugba lagu aqoon balse xirfad dheeri uu Nuuradiini ku tilmaamay tanoo cadeynaysay in xeeladaha qaawan ee reer Mudug ayan aheyn mid uu kuwada qanacsanaa Nuuradiin, uuna jeclaystay bal in uu ku milo qidadihii uu BAKOOL uga caani maali jiray, lagulana soo faq “WALIGEEN DALAWO AAN LEENAHAY DIBNO QALALAN LAMA SOO GURYO NOQON”, looba joogee.
Bari oo hayaanka iyo habeen socodka Ceelasha looga dheereeyo, ayaa diiday in ceelkan Nugaaleed ee lagu xanto in xigto ka dhigatay mid uun ay ayadu isku xarig wareejiso, hamigooda ka ceshastaan, Reer QARDHANA diide Barinimadii, KARKAARNA KOORAHA GEELOODA KABA DHIGE, iyagoo isku kali yeelay Darka oo Dalawadoodu Caasha ku haysay sanadahan, balse maanta oo dhaaman badani u soo socdaalayaan ay adag tahay sidii Horfule u ahaan lahaayeen mar kale, Reer Bari xanshashaq iyo isku xuluulasho ay xargo iyo shabakado ku daadinayaan bilaabe, ayagoo leh “HOMBOBORO LIBAAX BAY SOO WADAA” Sool/Cayn, Mudug iyo Nugaal, uma arag saadaasha Bari mid meel dheer jirta, balse waa dareensan yihiin in ay yihiin qub moos oo saanta ku joogsataa imbiririxashadeeda leedahay, Farjac yiri “FAJACA BARI BAAN AHEY”, Ceel uusan waligiis u aroorina Awrtiisii usoo horkac, Prof:Muxyadiinse u Dig kuna yiri “Ar anigaaba Sahan ku maqnaa, Surinadiina soo fiirsadaye Socotada ii daa” isna af celi “ Ii daayaa! Ari Qad Qad, aa latahay, ari wadaamaheenu maba leh dowlis dherer le’eg Ceelkan Nugaaleed, ee anaa qidad iyo qorshayaalkii Bari u walwaalaya Nugaale, iga war hay, kolay adigu quraan dhurwaa akhrinmayside” Prof: Muxyadiin fiiri duqay dhinac taagnayd, iyana u sheege duco iyo tawakal darka aad uga biyo cabto ayaad qabtaa.
Awr kale oo Barilaga soo jajuubayo indhuhu qabte, tallow waa ayo? Waa Siciid Raage, oo Bari ka dhaadhacshay inuu wadaanta la dhaamin jiray Reer Karkaar, dhabaha iyo tabaheedana wax ka bartay, inkastoo sida Farjac sheegay Dawlisyada Bari iska wada gaaban yihiin, gunta Ceelasha Nugaalna ayan gaarin, hadana lasoo baqool socoto asagu daw yaqaan u yahay, Duqaydii soo ambabixisayna dareenkodu sii in turanturooyin adagi horyaalaan socotadooda, iyaga oo aan u filayn in uuba darka gaari doono.
Reer Karkaar oo Wabaxyadoodii ka ag dananayaan, is tuse in laba kaclayni dan ugu
jirto, Duq Cade, oo Mar la arko Darka u fadhiyay, yiri socotada ha la ii heenseeyo,
doodse laga keen, la ye “ AR HANA HODIN” meel walba hooto lagula gaadayo ayaa ka muuqatee, isna Yiri “Mar la arko Hootadu waa jidhay, Dalawadana waan daadihin Jiray” la isku noqay, duul usoo baxe difaaciisii, waa doobab uu gaawayaasha Dalawada uga xoorin jiray, kana deeqdoomay Darka afka kula jireen, ku dhawaaqe “ARBE CADOW AROORI AWRTA” u af-celi, yirina “MAR LA ARKO AYAAN AROOR AHAY”, Nuxnuxi ka dabatimid, Waa Awaare oo dowliska lalaba shubi jiray Cade, raggna ku dareengasheen “MAR LA ARKO DALAWADA CADE IN UUSAN MEEL GAARSIINAYN”, isna yiri Waa Awaaree “Dig,Dabci, Digtoonaan iyo dibir kaleba waan aqaan”, tani Darbo hoose ku noqotay Dowliskii Mar la arko Cade Darka ku sii dayn jiray, dareena in wadaantiisii dabac ku yimid, iska soo luud, isaga oo aan awalba Darka ka fogeyn, mar la arkona is leh, waa intaas oo meel wax aan la ARKEYN KA SOO BAXAAN, Awaarase lasoo dulindulcee Dhaan iyo Dowlisyo Duqii uu kala haray, su’aalse ka daba timid, mar la arko damaca Karkaar maxaa difeertada u keena? “DARKAY KU CADAAN LA YIRI”.
Nugaal dab iyo oog u shite sidii darka ay ugu waabariisan lahaayeen, is xule ayaga
oo buunan dhaadheer yeerinaya, afarta dacal la iskaga yimid, La ye “Darka
Deegaantiisu anaga ma tahay” , jawaabi tiri HAA, “walaalaheen doorarkii hore maka
wabxeen”, Jawaabi tiri HAA,” kaltan weeye micnuhu mayahay”? Jawaabi tiri MAYA,su’aal keentay Nugaal,Waayona tiri? Jawaabi tiri kaltan maahee waa TARTAN, makaanada darka ayaana lagu tartamayaa, Nugaali docaha fiirisay, xansatay tirade makaanada darka afkiisa ay ku gaadhi karto, Jawaabi tiri “shan baad haysataan”, duqi soo bood tirada mafahmee ari ahaan iigu tiri yiri, shan riyood loogu af celi, “Ceesaan aan Xaafad Carab ku soo arkay maku jirtaa Yiri”, Jawaabi tiri maya, “tu kale oo dixda shishadiisa daaqeysayna maku jidhaa hadana Yiri,” Jawaabi tiri Maya, la ye “Cido ayaa iyadana kali ka haysta”, “labadaba tiradayda ku buuxi” duqii yiri, la ye “hade sidaas darka laguma cabeyn”, “Dar iyo Deegaan aan leeyahay Dalawadeydu ku qadi mayso Duqii yiri” laye xataa labada Ceesaamood ee aad soo cirbisay Darka kuma gaadhsiiso, ii Doon Doon Riyo Dagan Duqii yiri, Gaadaale iyo Faroole dayday gale, Xaafad Carab oo ceesaantoodii raad guraya isku soo baxe, “Baadi docdiina raadkeedii soo galay baan doonayn” Xaafad carab tiri, Gaadaale iyo Faroole ugu af-ceshe “awalba booli bay idinku aheyd”, Xaafad Carabi anfariirtay “ Waar daris iyo xigto sidaan kuma wada aheyn” tiri, Gaadaale iyo Faroole “DARKAA NOO MUUQDA KU AF CASHE”, Xaafad Carabi Gaadaale Jaleecday “War adigu Diin iyo Daacadaan u Dhawaa ma laheyd, “Mid kalaa igu khaladeen” yiri, Xaafad Carabi amakaagtay kana daba tuure TIXAN HOOSE.
“WALEE CEESAANTAAD NAGA DHACDAAN, CALAF DAR KUU KEENIN” “WALEE CAQLIGAAN ARKAAYAAN, COSOB DAAL KA BI’INAYNIN” “WALEE CASHIIRO IYO XIGTO DANBAAN, NUGAAL KULA CAWEYNDOONIN” Gaadaale iyo Faroole is fiirshe uguna af ceshe Tixahan.“WALEE CEEB AMA DARKAA, MID UUN LA CAWEYNIN”
Nugaali celceliska iyo tiradii makaanada u tafaxeyte, sir iyo saaqna ugu tashade in
ay Darka Doorka maanta ah Dalawadooda lala wadaagin, “DARUURAHAY KAA TAHAY” LA YIRI Xaafad Carabi Ciishootay, Makaanadii Mid uga soo har, Kal Hore Baribaa mid ka lunsatay, Maantana Nugaal, Duqaydoodii doodi kala gaadhay, la ye Darka hawo nagama Hayso miyaa?, Jawaabi Tiri “ma maantoo mid ku leedahay ayaa Hawo ku qaaday”, su’aali tiri “hadaan damaca darkan hore u bilaabi laheyn ceesaantayada lama hunguriyeeyeen maanta” Jawaabi tiri “ War idinkaa la iskiin tusay’e Ma dar iyo Dalawaa war u haysaan, tiinii baa dayac dilaye” Dhawaq hoos u yeer, “kumaan maqal” la yiri, mar labaad gunuunuc, waar kor u hadal la yiri, “Waa NUUR oo Darka Damac ka galay” la maqal, tartiib loo wada dus, “Nuur Rag baan u baahnahay” ku cel celi, “Waa Riyootay” loo cel celi, Jawaabtaasi “Maxay tahay” Soo celi “Rixinkii tabcada iyo tuntooyada aad la daba fadhiday Waa ragaasay” lagu yiri, “Waan is rifeynay” soo celi, “RUGTAADAAS KA REEM” lagu yiri, Xaafad Carabi “Darka dacartiisa Diidnay, Daawashaan ka xignaa, Duul allow namaqal” doodoodii kusoo Meershe, “DAMANAANTU WAA WAXAAN KULA RABAY” laga soo daba tuur.
Sanaag u heese horweyntooda, iyagoo hamigooda hanadkii ka runsheegi lahaa
haybintintiisa wada, habeen heelo ka boode, subaxdiina socotadii dhaanka sanaag
horfuli laheyd haybtiisa la sheeg, waa Ilka Jiir, La ye “Hufnaantaa lagu soo xulay”
isna yiri “Hal baa ii Dheer” misna dhehe “Mayee Hubqaadka ayaa lagu soo xulay” isna Yiri “Mayee Hal baa ii dheer” misna dhehe “Mayee Haybtaa lagu soo xulay” isna yiri “Mayee Halbaa ii dheer” misna dhehe “Mayee hal maseeganimada ayaa lagu soo xulay” isna yiri “Mayee Halbaa ii dheer” misna dhehe “ Mayee Hidaayada Diinta ayaa lagu soo xulay” isna yiri “Mayee Halbaa ii dheer”, “HAA, HAA duq hoos u fakarayay” yiri, “Maxaa gocotay?”la weydii, Hal dheeriga Ilka Jiir sow
Ceelkii Nugaaleed hadaba gadaal looga kala hayaan, ayadoo lagu dabafaylayo WADAANTA SANAAG EE ILKA JIIRI HOOBAYDEEDA WADO?
W/Q MUXYADIIN CIID
waxaa daabacay Al Mahra Media
|
woensdag 21 augustus 2013
Qodobkee ayuu liqi la,yahay xasan daahir aweys
Sidii aan qormadeydii hore ee xariga xasan daahir iyo xal u raadinta beeshiisa ku sheegay wexey dowladda federaalka hor dhigtay xasan iyo beeshiisa 3 qodob kuwaasoo ay soo qoreen dowladda iyo bulshada caalamka ba, qodabaas oo kala ah:
2.Inuu ka tanaasulo fikirkii dagaal wax ku raadinta .
3.In xasan daahir aqoonsado dowladda federaalka .
xog hoose oo kasoo bexeysa beesha iyo wadaadkaba waxaa la sheeagyaa inuu aqbalay qodabadaa intoodii badneyd, laakiin qodobkee ayuu wadaadku liqi la,yahay .
Xogta hoose ee la helay wexey sheegeysaa inuu xasan liqi la,yahay inuu qodobka ka inuu warbaahinta kasoo muuqdo,kana tanaasulo dagaalka uu kula jiro dowladda , taasi miyaa loo fasiri ka rin jugjug meeshaada joog.
Abshir Axmed Maxamuud
Xusni Mubaarak oo xabsiga laga siidaayey

Mubaarak waxaa lugu eedeynayay inuu lunsaday malaayiin doolar oo baananka uu leeyahay isaga,wiilashiisa iyo xaaskiisa ey ku shubteen,taana xeer ilaalintii dacwada ku soo oogtay sarkaal sare oo iyaga ka mid ah wuxuu sheegay in eysan weli heyn cadeymo ku filan, lakin dacwadu ey socon doonto .
qareenka u dooda Xusni Mubaarak oo la yiraahdo Fareed Al-Deeb ayaa jaraa'idka u sheegay in ex-madaxweyne Xusni Mubaarak in maxkamaddu amartay in la sii daayo .
dacwada lagu soo oogay ex-dictator qeybteeda kale maxkamadda wexey amartay iney weli socon doonto, taas oo ah inuu ka dambeyay dhimashadii 800 oo qof oo ku banaan baxayay fagaaraha taxriirka markii kacdoonka lagaga soo hor jeeday dowladiisa bilihii janaayo iyo febraayo 2011ka.
Kacdoonkaas oo soo af jaray 29 sano oo uu awooda dalka heystay.
Kourt Debeouf masuulka ugu sareeyo xisbiga liberaalka ee midowga yurub ,wuxuu ku tilmaamay sii deynta Xusni Mubaarak talaabo qalad ah oo maxkamadda masar qaaday.
Waxeyna keeneysaa in dib loogu noqdo talaabo hore loo qaaday .
"Hadii uu Mubaarak soo laabto waxey u ekaaneysaa in la doonayo in lagu noqdo dowladii Dictatoriyaalka aheyd ! " - ayuu yiri siyaasigaa reer yurub.
Al Mahra isha ayeey ku heysaa wararka caalamka
Qeybta war qabadka
Abshir iyo Faduma
Al Mahra Media
dinsdag 20 augustus 2013
Is ma hurtaane ha is dulminina
![]() |
wasiiro dowlaha madaxtooyada mudane Faarax |
Wuxuu shirka kusoo beegmay maanta xuskii iyo baroordiiqdii maalintii uu geeriyooday meles zenewaani, ra,iisal wasaarihii hore ee dawladda federaalka Ethiopia.
Ilo wareedyo ku dhow goobta shirku ka dhacayo wexey u xaqiijiyeen Al Mahra Media in goor dhow uu shirkaa ka furmay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee Ethiopia.
Qeybta warqabadka ee Al Mahra Media oo maanta oo dhan u dhuun dalooshay arrinka shirka waxaa loo xaqiijiyay in galabta iyo caawaba ay labada geesood wada hadli doonaan ,berrina labada dhinac ay soo saari doonaan war murtiyeed ay labada dhinac ku saxiixan yihiin.
Diplomaasiyiin ku dhow goobta shirku ka socdo , wexey noo xaqiijjiyeen in wafdiga dhinaca dowladda federaalka uu hoggaaminayo wasiiru-dowlaha wasaaradda madaxtooyada mudane Faarax sheekh cabdulqaadir iyo raxan xildhibaano ah oo ka tirsan baarlamaanka federaalka oo weliba u badan kuwo diidan maamulka uu horboodayo mudane axmed madoobe.
![]() |
madaxweyne axmed madoobe iyo ku xigeenkiisa jeneraal fartaag |
Isla xalay ayay labada geesood wada casheeyeen, isku tuurtuureen, meeshana lagu kaftamay iyadoo uu aarbitaro u ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee Ethiopia Dr.Tedros Adhanom
Al Mahra isha ayay ku heysaa wixii kasoo baxa shirka kala soco.
Abshir Axmed Maxamuud
maandag 19 augustus 2013
XARIGGA XASAN DAAHIR IYO XAL_URAADINTA BEESHIISA

XASSAN DAAHIR OO GACANTA DOWLADDA KU JIRO MUDOOYINKAAN WAXEY BEESHIISU WADAY GULUF EY RABTO INEY XABSI KU JIRAHAAN UGA SII DEYSO GACANTA DOWLADDA IYAGOO GEED DHEER IYO MID GAABANBA U KORAY.
TODOBAADKAAN GUDAHIISA WAXAA SHEEKHA LAFTIISA OO AY HAREER FADHIYAAN JENERAALO ,ODAYO,XILDHIBAANO AY ISKU HEYB YIHIIN, DHINACA KALENA WAXAA SOO FADHIYAY WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA ,WASIIRO KALE IYO CUQAAL.WEXEYNA DOWLADU HOR DHIGTAY XASSAN IYO REERKIISABA 2 QODOB
- INUU KU DHAWAAQO INUUSAN KA MID EHEYN URUKA AL_SHABAAB IYO AL_QAACIDABA
- INUU KA TANAASULO FIKIRKII DAGAAL OOGIDA ,TAANA SHEEKHA WUU KA BIYO DIIDAY IYADOO ARRINTA KA DHIGTAY CAKIRAN,WAXEYNA KEENTAY XALDOONKII BEESHA XARIG KU JIRAHAN INUU GAABIYO , DHINACA DOWLADDANA WAXAA SOO WAJAHAY CULEYS.
"SHEEKH XASSAN WAA KA BIYO DIIDAY QODOBADAAS WUXUUNA WEYDIISTAY IN WAKHTI LA SIIYO AYUU YIRI JENERAAL SUXAANYO OO AHAA SHEEKHA EHELADIISA .WALAAHI SHEEKH XASSAN AL SHABAAB KAMA MID NOQONIN,HADUU MABAADIDOODA KU QANACSANYAHAY,AAMINSANYAHAY IYAGA LAFTOODA ISKUMA DAYEEN INEY DILAAN ISAGANE KAMA SOO CARAREEN !" AYUU KU DARAY HADALKIISA JENERAAL SUBXAANYO
XAL URAADINTA BEESHIISA KA SOKOW WAXAA BARBAR SOCDA GULUF EY WADAAN URURKII XISBUL ISLAAM OO MAR HORE XUUDKA AL SHABAAB LIQAY, WUXUUNA SHEEKH MAXAMED MACALIN OO MUDDO DHEER GARAB TAAGNAA SHEEKH XASSAN , NIN WARIYE AH TELEFOONKA UGU SHEEGAY ISAGOO NAIROBI JOOGA IN DOWLADDA SI DEG DEG AH SHEEKHA USII DEYSO , KUWO AFKA XIRTAY OO AAN LA GARANEYN SOOMAALI IYO AJNABI WEXEY YIHIIN AYAA ILAAIYO SHEEKHA. WIXII SOO GAARO SHEEKHANA MADAX WEYNAHA AYAA KA MASUULA AYUU YIRI SHEEKH MAXAMED MACALIN.
CALI MAXAMED GEEDI OO SIYAASI HORE AHAA AYAA ASAGANE KA HADLAY XAALADAAN XABSI KU JIRAHA XASSAN DAAHIR? WUXUUNA SHEEGAY IN XASSAN IYO KUWO KU FIKRAD AHBA EY UMADDA SOOMAALIYEED U HORSEEDEEN BAABA'A, BARAKAC,DIL IYO QAX,WAANA INUU KA TANAASULAA FIKIRKII AL QAACIDISMKA AHAA KII DOWLAD LA DIRIRKA ,KAN CAALAM LA COLOWGA ,INTAAS OO DHAN WEXEY KEENI KARAAN IN XABSI KU JIRAHAAN XASSAN DAAHIR UU KA BADBAADO ,WUXUUNA INTAA RAACIYAY INUU CAFIS WEYDIISTO UMADDA SOOMAALIYEED OO EY WAX YEELEEN ISAGA IYO KOOXDIISABA.
DAD BADAN BAA AAMINSAN IN SHEEKH XASSAN LAGU KOOLKOOLINAAYO QABIILKA UU KA DHASHAY OO GACAN ADAG KU LEH DOWLADDA HADDA JIRTA, KUWA KALE OO SIYAASIYIIN IYO CUQAAL ISUGU JIRANA ARRINTAAN MID KA DUWAN BEY QABAAN, WEXEYNA U ARKAAN IN GEEDI SOCODKA NABADDA EE DOWLADDA EY WADO YAHAY QEYB KA MID AH DOWLADDA .
WAA TAA TAN MARWALBA MADAX WEYNE XASSAN SHEEKH MAXAMUUD UU KU CELCELIYO IN ALBAABKII NABADDA UU FURANYAHAY.
AKHRISTE WAXAA IS WEYDIIN LEH XAGGEE KU DAMBEYN XAALADDA XASSAN DAAHIR IYO XUSUL DUUBKA BEESHIISU WADO.
ABSHIR AXMED MAXAMUUD
AL MAHRA MEDIA
zondag 18 augustus 2013
Dadka Christanka ah ee masar laftoodu waa Target
warar dheeraad ah oo ka soo baxaya dhimashadii princess Diana

Scotland Yard ayaa sabtigii eynu soo dhaafney jaraa'idka usheegay warbixintaan cusub, war bixintuna ma sheegin warar dheeraad ah inta wax laga hubsanayo.
Journaalka SundayPeople iyo mediaha kale ee ingriiskaba waxey aad u hadal haayaan in nin hore uga tirsanaa ciidamada "Special Air Service"(SAS) warqad uu qoray ninkaas dhaxdeeda uu ku sheegay inuu isaga mas'uul ka ahaa dhimashada Princess Diana iyo saaxiibkeed.

Baaristii ey hore u sameeyeen dalalka Fransiiska iyo Ingriiska wexey kusoo af meereen in Diana iyo Dodiba e
y ka cararayeen wariyayaasha wax sawira taana wexey sababtay in chauffeurkii gaariga waday cararkii uu la cararayay uu shilku dhaco.
Princess Diana wexey da'dedu eheyd 36 sano Dodi Al-fayedne wuxuu ahaa 42 sano .
Fiiro Gaar ah : wixii kusoo kordha warbixintaan Al Mahra media kala socda .
Faduma Abshir Axmed
Abonneren op:
Posts (Atom)