vrijdag 6 september 2013

Beesha Leelkase oo cabaneyso
 
 
Nabadoonka guud ee beelaha Leelkase ee gobalka mudug nabadoon Maxamed Xaashi Cigaal ayaa walaac balaaran ka muujiyay cadaalo darada baahsan ee Puntland hareysay, mar uu u waramaayay saxaafadda wuxuu sheegay nabadoonka in guud ahaan beeshiisa Leelkase ay ku dulman yihiin nidaamka siyaasadeed ee Puntland.
Marka loo eego xildhibaanada,dhinaca deeqaha wax barashada nidaamka dowladnimo iyo waxyaabo kaloo badan.
 
15 sano ayeey Puntland jirtaa weli wax mucaawimo ,saami qeybsiga deeqaha waxbarashada ardeyda loogu diraayo Turkiga, Carabaha iyo Malesia 1 qof nagama soo gaarin, halkaana waxaa ka cad in shakhsiyaad iyo beelo gaar ah eysan sad bursi ku heystaan ayuu yiri suldaanku.
Isagoo sii hadlaya wuxuu kaloo suldaanku yiri gudoomiyaha gobalka mudug, taliyaha milateriga , talyaha nabadsugida, dhamaantood waa isku qoys,taana cadaalad maahan ayuu ku nuuxnuuxsaday suldaan Maxamed Xaashi Cigaal.
 
Suaalo ey weydiiyeen saxaafadda suldaanka oo aheyd in dowladda Puntland iyo madaxdeeda uu kala hadlay arinkaan iyo dhalilaha uu sheegayo wuxuu yiri suldaanku isagoo dhoola cadeynaayo "Waxaan xafiiskiisa ugu tagay madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole markii aan baahida iyo cabashada aan tabaneyno u gudbiyay wuxuu iigu jawaabay Dowladii Siyaad Barre miyeeysan wax idiin qaban ? taana ma ahan mid beelweynta Leelkase oo ka mid ah beelaha daga Puntland ey xaq u leedahay."
 
Ugu dambeyntii suldaan MaxamedXaashi Cigaal wuxuu madaxda Puntland ugu baaqay iney dhamaan beelaha Puntland iney si cadaalad ah wax ugu qeybshaan oo aysan noqon guri nin leeyahay.
Akhriste ma ahan markii ugu horeysay oo salaadiinta Puntland ey dhawaaqaan, waxaana tan ka horeysay dhawaaqii nabaddoon Yaasiin Cabdi Samad,taana wexey kusoo aadeysaa xili la filayo in doorashooyin ey ka dhacaan Puntland madaxweyne Cabdiraxmaan na uu yahay musharax u taagan inuu mar kale qabto hogaanka Puntland.
 
Waxaa isku soo ururiyay
Abshir Axmed Maxamuud
Al Mahra Media

Hoos u dhaca dhaqalaha Reer Galbeedka saameyn intee le’eg ayuu ku yeelani karaa qaxootiga kunool Yurub?

Tan iyo markii ay midoobeen dalalka reer Yurub isla markaana la baxeen magaca EU, waxay xoogga saareen sidii ay u sameysan lahaayeen lacag ay ku mideysan yihiin iyo sharci ka wada dhaxeeya.
Dalalka EU waxay sameysteen lacag loo bixiyay Euro, iyo sharci mideysan oo xaddidaya dadka socotada ah ee magangelyada raadinaya, kuwaasoo ka soo tallaabaya qaaradaha Africa, Asia, iyo dunida carabta qaarkood.

Sannadkii 2000, dalalka EU amma Midowga Yurub waxay gaareen heshiis loogu magacdaray Geneva Convition oo la xiriira xaddidaadda dadka bilaa sharciga ah. Ka dib markii ay dhaqangeliyeen heshiiskaasi ayaa waxay haddana ku heshiiyeen inay sameystaan sharci ku saabsan dhaqaalaha, iyagoo sameystay lacagta Euro.

Heshiiskaasi dhanka dhaqaalaha dalal badan ayaa ka soo gaaray dhaqaale burbur, waxaana ka mid ah dalalkaasi Italy, Greece, Holland, Spain iyo dalal kale, kuwaasoo xaaladooda dhaqaale lagu sifeyn karo inuu burburay ammaba la oran karo inay musalifeen.
Dalalka aan lacagtooda Euroda darteed u burburin waxaa ka mid ah Norway, Britain, iyo Sweden waxay yihiin kuwo ka badbaaday dhaqaale burbur, waxaana ay yihiin kuwa ugu horreeya dhanka dhaqaale siinta dadka qaxootiga waxaana dalalkaasi ay kaalimaha ugu horreeya ka gaalaan marka qiimeynta lagu sameynayo qaxootiga iyo sida ay ugu nool yihiin wadamada ay magangelyada ka haystaan.



Hadaba dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, dalalka Jarmalka, Greece iyo France waxaa ka dhacayay dibadbaxyo ay dadku kaga cabanayeen shaqo la’aan soo wajahday muwaadiniinta u dhashay wadamadaasi. 
 

Dalalka Italy iyo Greece waxaa la sheegay inay amaahyo badan ka galeen dalalka Yurub iyo Bankiyo caalami ah, kuwaasoo ah kuwo ka wada dhaxeeya dalalka Midowga Yurub.
Wadamada qaarkood, sida Greece, marka ay ka wadahadlayaan arrimaha dhaqaalaha waxaa kulan deg deg ah yeesha xukuumadooda iyagoo u nisbeeya ammaahda badan iyo dhaqaale burburka lacagohoodii oo ay ku bedeleen Euro-da.
Waxaa kaloo ay eedsadaan in ku biirista ay ku biireen Midowga Yurub ay qeyb weyn ka tahay dhaqaale burburka soo gaaray.
Dalka Talyaaniga ayaa sidoo kale ka mid ah wadamada ka shalaysan burburinta lacagohooda. Talyaaniga oo ku caan baxay lacagta loo yaqaan Liirada oo isticmaalkeedu uu hoos u dhacay, bedelkeedana dadku ay isticmaalaan lacagta Euro-da.
Si kastaba ha ahaatee, wadamada dhaqaale darridu saameysay ee reer Yurub waxay haatan baadigoob ugu jiraan qaababkii ay uga samatibixi lahaayeen hoos u dhac

Waxaa isku soo ururiyay
Faduma Abshir Ahmed
Tifaf tiraha Al Mahra Media