Al fanaan Nuur Daalacay muxuu ka damqaday ?

Caayda iyo aflagaadada ey baryahaan siyaasiyiinta, mucaarad iyo muxaafidba wuxuu ku tilmaamey al fanaan Nuur Daalacay mid laga damqado oo ay ceeb iyo fadeexad ku tahay umadda reer Soomaaliland oo nabad iyo isfahan ku caano maalay, lakin in la is nasab caayo, in reerihii la xamaasadeeyo iyo in la abuuro jawi kicin iyo dareen colaadeed ah waa mid meel ka dhac ku ah Soomaaliland oo demoqraadiyad iyo tubtii nidaamka xisbiyada qaadatay kuna caano maashay ayuu fanaanka ku nuuxnuuxsaday.
Wuxuu Nuur Daalacay kusii daray :"Hadaad moodaan ceydaan in Hargeisa uun laga ogyahay waxaad ogaataan in caalamka leydinka dhageysanayo, caalamkuna fahamkii shalay uu bulshada reer Soomaliland ka qabay uu isbadali doono ."
Dhinaca kale abwaan fanaan Nuur Daalacay wuxuu saxaafadda ka codsaday ineysan baahin ceebaalkan iyo foolxumooyinkaan baaryahaan hareysay sagxadda siyaasadeed ee Soomaaliland, wuxuuna ku soo afmeeray damqashadiisa in Soomaliland ey la mid tahay ceel cidkasta ey biyo ka cabeyso, nina eysan dan u eheyn inuu ceelkaasi aasmo.
Waxa soo diyaariyay
Abshir Axmed Maxamuud