donderdag 22 augustus 2013

 

DOODA NUGAAL IYO DAALADHACA SIYAASDA DOORASHADA PUNTLAND

Doodu waa nugaal iyo daaladhaca siyaasada doorashada Puntland, waa doorka uu qabiil walba ku yeelandoona Darka doorka soo socda laga dhaansan doono, qabiil walba dowliskiisa ayuu xargo dhumuc iyo dherer leh u raadsanayay, xeel, xaqdaro iyo xoog siduu doono haku soo helee, waxa baratanku ahaa yaa maaxda hore dowliskiisa inta uu u rito dalawadiisa ka dhaansan doona, inta kalena daba taali doontaa, ayaga oo hoganaya inta hormoodka doorkani fulayo, yaase caraqda iyo calaska danbe looga tagi doonaa, oo inta dalawadiisu dhibic iyo dhururuq darka ka weydo, ka dul olali doontaa, ayada  oo la isku haaraamayo, lana leeyahay ciilow wayeey ma cosob ayaan waligeed calfan ceelka Nugaal oo maanta cid uga cudud rooni jirin, waase geel jire iyo xaalkiis, dhaan waliba ka soo hayaan caradiisii isaga oo u soo hubqaatay dalawadiisa, balana qaadaya in uu soo guryo noqon doono asaga oo horweyntiisu tahay tan maaxda doorkan bishimahoodu ka tirtiran doonta.
 
Nugaali maanta waa CAKAARA, oo waxa ka soconayaa “WAA NIN WALIBA CEESAANTII CEELKA KEEN”, Dhaamankiina u soo kala socdaale, Cayn iyo Sool ayaa dhaamanka ka imaanaya nin kaliya lagu aamini waayay, amase isku aamini waayeen, Dr:Saleebaan ayaa sarwaan iyo siriq la iskugu soo daray ileen waa Darwiish daacad ahe, iyada oo lagula soo dardaarmay WAAR DALAWADA, DARKA IYO DOORKA MAANTA AH, Cali Baashise uma arag sidaas isaga oo Reer Sool iyo Cayn ku leh “Qumanaan laheydaa in Cali Dalawada hogaanka u hayo, Darkuna meel nagama jireen markaas”, looguse war celi “Kolay ceelka waad wadi tagi doontaane DALAWADIINU yaanu noqon tan dacarta fuuqfuuqsan” WARI KU DHAN.
 
Socotada Mudug ayaa iyadu  hamuuntu ku yareyd, iyadoo lagu xamanayay in waayadan labacanleyn ku jireen kolkii ay u fooftageen ceelal durugsan oo maax iyo maareba kala kulmeen, Muqdishay aheydna la lahaa, wallow maanta  laga soo meel mariyay, sidoo kale ayaa Darkan Nugaaleedi aheyn mid maaxdiisu ku cusub tahay, ayna ahaayeen kuwii u ritay WADAANTII ugu horeeysay, kana durdursaday inta ayan sidii baykalaha laga sheegi jiray ee la oran jiray “BAKAYLUHU INTA UU BUR KU JIRO AYUU BUR KALE SII DOONTAA”  u baqoolin ceelkaas Banaadir, balse WAX RAAGA RAG KUMA SAMEE, damac kale u muuqay, isna tuse in ay xirfad iyo xodxodasho dheeri ah hadii ay la yimaadaan Darka dowlis kale u ridan karaan, iyagoo iska dhaadhiciyay in daw walba oo loo maro Ceelkan Nugaaleed ayagu yaqaaniin, hal hayskooduna ahaa “WAA LAGUU YAQAANAA, MEEL  MA JIDHO” ayaa socotadii Nuuradiin la yiri xarigeeda qabo, qonof reer ceelcad caan ku ahaayeena waa lasoo baray, si uu socotada  dhaamanka kale wadata dibir ugala daalo, iyadoo gacantana loosoo gashay qadwaan qaarar wayn, qarqarkana loosoo suray qaanso aan reer Mudugba lagu aqoon balse xirfad dheeri uu Nuuradiini ku tilmaamay tanoo cadeynaysay in xeeladaha qaawan ee reer Mudug ayan aheyn mid uu kuwada qanacsanaa Nuuradiin, uuna jeclaystay bal in uu ku milo qidadihii uu BAKOOL uga caani maali jiray, lagulana soo faq “WALIGEEN DALAWO AAN LEENAHAY DIBNO QALALAN LAMA SOO GURYO NOQON”, looba joogee.
 
Bari oo hayaanka iyo habeen socodka Ceelasha looga dheereeyo, ayaa diiday in ceelkan Nugaaleed ee lagu xanto in xigto ka dhigatay mid uun ay ayadu isku xarig wareejiso, hamigooda ka ceshastaan, Reer QARDHANA diide Barinimadii, KARKAARNA KOORAHA GEELOODA KABA DHIGE, iyagoo isku kali yeelay Darka oo Dalawadoodu Caasha ku haysay sanadahan, balse maanta oo dhaaman badani u soo socdaalayaan ay adag tahay sidii Horfule u ahaan lahaayeen mar kale, Reer Bari xanshashaq iyo isku xuluulasho ay xargo iyo shabakado ku daadinayaan bilaabe, ayagoo leh “HOMBOBORO LIBAAX BAY SOO WADAA” Sool/Cayn, Mudug iyo Nugaal, uma arag saadaasha Bari mid meel dheer jirta, balse waa dareensan yihiin in ay yihiin qub moos oo saanta ku joogsataa imbiririxashadeeda leedahay, Farjac yiri “FAJACA BARI BAAN AHEY”, Ceel uusan waligiis u aroorina Awrtiisii usoo horkac, Prof:Muxyadiinse u Dig kuna yiri “Ar anigaaba Sahan ku maqnaa, Surinadiina soo fiirsadaye Socotada ii daa” isna  af celi “ Ii daayaa! Ari Qad Qad, aa latahay, ari wadaamaheenu maba leh dowlis  dherer le’eg Ceelkan Nugaaleed, ee anaa qidad iyo qorshayaalkii Bari u walwaalaya Nugaale, iga war hay, kolay adigu quraan dhurwaa akhrinmayside” Prof: Muxyadiin fiiri duqay dhinac taagnayd, iyana u sheege duco iyo tawakal darka aad uga biyo  cabto ayaad qabtaa.
 
Awr kale oo Barilaga soo jajuubayo indhuhu qabte, tallow waa ayo? Waa Siciid Raage, oo Bari ka dhaadhacshay inuu wadaanta la dhaamin jiray Reer Karkaar, dhabaha iyo tabaheedana wax ka bartay, inkastoo sida Farjac sheegay Dawlisyada Bari iska wada gaaban yihiin, gunta Ceelasha Nugaalna ayan gaarin, hadana lasoo baqool socoto asagu daw yaqaan u yahay, Duqaydii soo ambabixisayna dareenkodu sii in turanturooyin adagi horyaalaan socotadooda, iyaga oo aan u filayn in uuba darka gaari doono.
 
Reer Karkaar oo Wabaxyadoodii ka ag dananayaan, is tuse in laba kaclayni dan ugu
jirto, Duq Cade, oo Mar la arko Darka u fadhiyay, yiri socotada ha la ii heenseeyo,
doodse laga keen, la ye “ AR HANA HODIN” meel walba hooto lagula gaadayo ayaa ka muuqatee, isna Yiri “Mar la arko Hootadu waa jidhay, Dalawadana waan daadihin Jiray” la isku noqay, duul usoo baxe difaaciisii, waa doobab uu gaawayaasha Dalawada uga xoorin jiray, kana deeqdoomay Darka afka kula jireen, ku dhawaaqe “ARBE CADOW AROORI AWRTA” u af-celi, yirina “MAR LA ARKO AYAAN AROOR AHAY”, Nuxnuxi ka dabatimid, Waa Awaare oo dowliska lalaba shubi jiray Cade, raggna ku dareengasheen “MAR LA ARKO DALAWADA CADE IN UUSAN MEEL GAARSIINAYN”, isna yiri Waa Awaaree “Dig,Dabci, Digtoonaan iyo dibir kaleba waan aqaan”, tani Darbo hoose ku noqotay Dowliskii Mar la arko Cade Darka ku sii dayn jiray, dareena in wadaantiisii dabac ku yimid, iska soo luud, isaga oo aan awalba Darka ka  fogeyn, mar la arkona is leh, waa intaas oo meel wax aan la ARKEYN KA SOO BAXAAN, Awaarase lasoo dulindulcee Dhaan iyo Dowlisyo Duqii uu kala haray, su’aalse ka daba timid, mar la arko damaca Karkaar maxaa difeertada u keena? “DARKAY KU CADAAN LA YIRI”.
 
Nugaal dab iyo oog u shite sidii darka ay ugu waabariisan lahaayeen, is xule ayaga
oo buunan dhaadheer yeerinaya, afarta dacal la iskaga yimid, La ye “Darka
Deegaantiisu anaga ma tahay” , jawaabi tiri HAA, “walaalaheen doorarkii hore maka
wabxeen”, Jawaabi tiri HAA,” kaltan weeye micnuhu mayahay”? Jawaabi tiri MAYA,su’aal keentay Nugaal,Waayona tiri? Jawaabi tiri kaltan maahee waa TARTAN, makaanada darka ayaana lagu tartamayaa, Nugaali docaha fiirisay, xansatay tirade makaanada darka afkiisa ay ku gaadhi karto, Jawaabi tiri “shan baad haysataan”, duqi soo bood tirada mafahmee ari ahaan iigu tiri yiri, shan riyood loogu af celi, “Ceesaan aan Xaafad Carab ku soo arkay maku jirtaa Yiri”, Jawaabi tiri maya, “tu kale oo dixda shishadiisa daaqeysayna maku jidhaa hadana Yiri,” Jawaabi tiri Maya, la ye “Cido ayaa iyadana kali ka haysta”, “labadaba tiradayda ku buuxi” duqii yiri, la ye “hade sidaas darka laguma cabeyn”, “Dar iyo Deegaan aan leeyahay Dalawadeydu ku qadi mayso Duqii yiri” laye xataa labada Ceesaamood ee aad soo cirbisay Darka kuma gaadhsiiso, ii Doon Doon Riyo Dagan Duqii yiri, Gaadaale iyo Faroole dayday gale, Xaafad Carab oo ceesaantoodii raad guraya isku soo baxe, “Baadi docdiina raadkeedii soo galay baan doonayn” Xaafad carab tiri, Gaadaale iyo Faroole ugu af-ceshe “awalba booli bay idinku aheyd”, Xaafad Carabi anfariirtay “ Waar daris iyo xigto sidaan kuma wada aheyn” tiri, Gaadaale iyo Faroole “DARKAA NOO MUUQDA KU AF CASHE”, Xaafad Carabi Gaadaale Jaleecday “War adigu Diin iyo Daacadaan u Dhawaa ma laheyd, “Mid kalaa igu khaladeen” yiri, Xaafad Carabi amakaagtay kana daba tuure TIXAN HOOSE.
 
“WALEE CEESAANTAAD NAGA DHACDAAN, CALAF DAR KUU KEENIN” “WALEE CAQLIGAAN ARKAAYAAN, COSOB DAAL KA BI’INAYNIN” “WALEE CASHIIRO IYO XIGTO DANBAAN, NUGAAL KULA CAWEYNDOONIN” Gaadaale iyo Faroole is fiirshe uguna af ceshe Tixahan.“WALEE CEEB AMA DARKAA, MID UUN LA CAWEYNIN”
 
Nugaali celceliska iyo tiradii makaanada u tafaxeyte, sir iyo saaqna ugu tashade in
ay Darka Doorka maanta ah Dalawadooda lala wadaagin, “DARUURAHAY KAA TAHAY” LA YIRI Xaafad Carabi Ciishootay, Makaanadii Mid uga soo har, Kal Hore Baribaa mid ka lunsatay, Maantana Nugaal, Duqaydoodii doodi kala gaadhay, la ye Darka hawo nagama Hayso miyaa?, Jawaabi Tiri “ma maantoo mid ku leedahay ayaa Hawo ku qaaday”, su’aali tiri “hadaan damaca darkan hore u bilaabi laheyn ceesaantayada lama hunguriyeeyeen maanta” Jawaabi tiri “ War idinkaa la iskiin tusay’e Ma dar iyo Dalawaa war u haysaan, tiinii baa dayac dilaye” Dhawaq hoos u yeer, “kumaan maqal” la yiri, mar labaad gunuunuc, waar kor u hadal la yiri, “Waa NUUR oo Darka Damac ka galay” la maqal, tartiib loo wada dus, “Nuur Rag baan u baahnahay” ku cel celi, “Waa Riyootay” loo cel celi, Jawaabtaasi “Maxay tahay” Soo celi “Rixinkii tabcada iyo tuntooyada aad la daba fadhiday Waa ragaasay” lagu yiri, “Waan is rifeynay” soo celi, “RUGTAADAAS KA REEM” lagu yiri, Xaafad Carabi “Darka dacartiisa Diidnay, Daawashaan ka xignaa, Duul allow  namaqal” doodoodii kusoo Meershe, “DAMANAANTU WAA WAXAAN KULA RABAY” laga soo daba tuur.
 
Sanaag u heese horweyntooda, iyagoo hamigooda hanadkii ka runsheegi lahaa
haybintintiisa wada, habeen heelo ka boode, subaxdiina socotadii dhaanka sanaag
horfuli laheyd haybtiisa la sheeg, waa Ilka Jiir, La ye “Hufnaantaa lagu soo xulay”
isna yiri “Hal baa ii Dheer” misna dhehe “Mayee Hubqaadka ayaa lagu soo xulay” isna Yiri “Mayee Hal baa ii dheer” misna dhehe “Mayee Haybtaa lagu soo xulay” isna yiri “Mayee Halbaa ii dheer” misna dhehe “Mayee hal maseeganimada ayaa lagu soo xulay” isna yiri “Mayee Halbaa ii dheer” misna dhehe “ Mayee Hidaayada Diinta ayaa lagu soo xulay” isna yiri “Mayee Halbaa ii dheer”, “HAA, HAA duq hoos u fakarayay” yiri, “Maxaa gocotay?”la weydii, Hal dheeriga Ilka Jiir sow kan aanba Darka in uu Dalawada u horseedo ugu dooranay maaha?duqii yiri, Ilka Jiiri Dhoolo Cadee, kuna darsay Weedhiisa “Dhaanka Sool/Cayn iyo Bari, kuwaan habeenka galinkiisa hore mirayo,weeye, Dhaamanka  Socotada Karkaar iyo Mudugna Saqde dhexe iga dheh midaan xargaha u wada gooyo”, deetana la yiri “Waa Nugaal mida aan hiirta waaberi haamaha dhaankooda hal hal u kala furi doono, wadaan walba oo ay wataana salka walah kasiin doono”, la ye deetana, “Darka marka Subixii waagu dilaaco Dowliska laga shubaa soo kan sanaag oo qudha ma noqon doono” HAA LAWADA YIRI, Ana kan Wadaamo goynta Dhigay Sow Maahi, “ YAA KALEETO” lawada yiri, Dalawadeena oo Wabax ah soo sooma guryo celindoono? Haa lawada Yiri, ILKAHAAS JIIRKA KUWADA DUCAYSTA, waa kuwa dowlisyadii dhumaca iyo Dhererka lahaa ee Mudug, Karkaar iyo Nugaali isla dabafadhiday habeenkii cardaadiiqaha ka dhigay, kuwii gaagaabnaa ee Bari iyo Soolna la timid dunsiibay, La ye “Dooligii Aarka ka saarey Shabaqa sifihiisii Miyaa” isna Yiri “MEEL KALE HAKA DOONIN”.
 
Ceelkii Nugaaleed hadaba gadaal looga kala hayaan, ayadoo lagu dabafaylayo WADAANTA SANAAG EE ILKA JIIRI HOOBAYDEEDA WADO?
 
W/Q MUXYADIIN CIID
waxaa daabacay Al Mahra Media

Geen opmerkingen:

Een reactie posten