zondag 11 augustus 2013

Gabar yar oo madaxa biyo uga jireen 


Waalidkii dhalay gabar yar oo 18 bilood ah oo la yiraahdo Roona Begum oo ku nool caasimadda India ee New Delhi ayaa helay war ey ku farxaan.
Kaas oo ku saabsanaa inantooda yar oo muddo sanad iyo bar ah la daalaa dhaceysay biyo madaxa uga jiray,cudurkaas oo takhaatirtu ku tilmaameen 
Hydrocefalia.
Cudurka la yiraahdo Hydrocefalia oo ey takhaatiirta ku tilmaameen cudurada aan aadka loo aqoon (rare disease),haddana daaweyntiisu iyo la tacaalkiisuba ey aad u fudadahay.
Takhaatiirta wexey intaa raaciyeen in jiradan ey sababto in madaxa ey biyo aad u faro badan fariistaan.Cilmi baarayaasha oo muddo degaanka ku marayay cilmi baaris wexey si kadis ah ula kulmeen inantaan yar oo biyuhu mudada sanadka iyo barka ah la saxariireysay.Waxeyna ku qiyaaseen wareega madaxeeda 91 centimitir.
Culeyska iyo balaarnida madaxa inanta ayaa  usuurto gelin waayay iney gurguurato,iney istaagto iyo iney fadhiisataba .
Ogolaansho ey waalidka bixiyeen iyo taageero dhaqaalo ey ka heleen dadka deegaanka waxay usuurto gelisay iney inantaas la wareegaan takhaatiirtaas iyo in lagu guuleysto qaliinkii lagu sameeyay Roona Begum,waalidkeedna oo ku farxo arinkaas.

Faduma Abshir 
Tifaf tiraha sare 

ogeysiis 

Dhammaan akhristeyaashii la xiriiri jiray blogeyga hore ee hiigso horumar iyo kuwa cusubba waxaan u sheegayaa inaan dib u habeyn iyo qurxin ku sameynay blogaa magacine ka badalney .
Wixii hadda ka dambeyana aad wararkii, maqaaladii iyo wixii aan qori jirnay aad kala xiriiri kartaan blogaan cusub.
Wixii talo iyo tusaalo ah ee aad nagu biirineysaan tifaf tiraha iyo maamulka sare ee bloggaan wuu soo dhoweynayaa.
Hadii aad maqaalo qortaan waad noo soo diri kartaan.Markaanu tifaf tirno kadibna waxaan ku soo bandhigeynaa blogga.
Balanteenu waa warar xaqiiqada ku dhow,daacadnimo iyo waxyaabo aad ku qososhaan oo aan idiin soo bandhigno.

wcs wr wb 
maamulka sare ee Al Mahra Media 
Abshir Ahmed Maxamuud 
abuuaxmed6@hotmail.com 
ama khaalid190@gmail.com