Nabadoon Yaasiin Cabdi Samed ” Madaxweyne Faroole iyo Xukuumadiisa waa in maxkamad la saaro
Nabadoon Yassin Cabdisamed oo ka mid ah nabadoonada sida weyn looga yaqaano deegaanada Puntland ayaa ku baaqay in maxkamad la soo saaro madaxda xukuumada haatan talada haysa ee Puntland.![]() |
nabaddoon Yaasiin Cabdi Samad |
Yasin Cabdisamed ayaa si faah faahsan u sharaxay dhismihii iyo aas’askii Puntland isagoo sheegay in ay Puntland dhisteen beelo isku yimid oo danaynayay soo nolayntii qarinamadii Soomaliya iyadoo waqtigaasna aysan jiran wax nidaam ah oo ka jiray guud ahaan dalka soomaliya.
Nabadoon Yaasin ayaa sidoo kale ka warbixiyay balanqaadyo ay samaysay xukuumada madaxweyne faroole ee haatan talada haysa isla markaana aysan waxba ka qaban mudadii 5 sano ahayd ee ay talada haysay.
Wuxuu sheegay in dalka uu galay marxaladii ugu adkayd abid intii ay jirtay Puntland iyadoo ay dhaceen dhacdooyin tiraanyo iyo xanuun ku reebay dadka reer Puntland kuwaas o iskugu jiray dilal qorshaysan oo aan wali cidna lagu tuhmayn sicir barar ku baahay dhamaan deeganada Puntland iyo caburinta Saxaafada madaxa banaan oo qarkood haatan ay u xiranyihiin xukuumada hadda jirta ee madaxweyne Faroole .
Sadoo kale nabadoon Yaasin Cabdisamed ayaa sheegay in taladii dalka oo dhan ay gacanta u gashay madaxweyne faroole iyo koox ka ag dhaw isla markaana ay isku dayeen in ay shacabka ku qasbaan wixii maankooda ku soo dhaca .
Dhanka kale nabadoon Yaasiin ayaa ka war bixiyay diidmadii shacabka gobolka Mudug ay diideen nidaamkii asxaabta badan iyo doorashooyinkii goloyaasha deegaanka ee ay doonaysay xukuumada Puntland in ay ka fuliso deegaanada Puntland.
Wuxa ku tilmaamay nidaamkaas mid gacan ku samays ahaa oo aan loo soo marin dariiqiisi isla markaana la doonayay in muda kororsi xeeladaysan lagu fushadu balse ay shacabka Puntland dhamaantood si isku mid ah uga soo horjeesten in aan dalka lagu maamulin afkaartii Kacaanka.
Ugu danbayntii nabadoon Yaasin Cabdisamed ayaa ugu baaqay shacabka reer Puntland in ay maxkamad la tiigsadaan madaxweyne faroole iyo dadka la shaqeeya oo dhamaantood danbi ka galay shacabka Puntland isla markaana wax laga weydiiyo dadkii sida bareerka loogu dilay Puntland
Waxa soo diyaariyay
Abshir Axmed Maxamuud
Geen opmerkingen:
Een reactie posten