vrijdag 6 september 2013

Beesha Leelkase oo cabaneyso
 
 
Nabadoonka guud ee beelaha Leelkase ee gobalka mudug nabadoon Maxamed Xaashi Cigaal ayaa walaac balaaran ka muujiyay cadaalo darada baahsan ee Puntland hareysay, mar uu u waramaayay saxaafadda wuxuu sheegay nabadoonka in guud ahaan beeshiisa Leelkase ay ku dulman yihiin nidaamka siyaasadeed ee Puntland.
Marka loo eego xildhibaanada,dhinaca deeqaha wax barashada nidaamka dowladnimo iyo waxyaabo kaloo badan.
 
15 sano ayeey Puntland jirtaa weli wax mucaawimo ,saami qeybsiga deeqaha waxbarashada ardeyda loogu diraayo Turkiga, Carabaha iyo Malesia 1 qof nagama soo gaarin, halkaana waxaa ka cad in shakhsiyaad iyo beelo gaar ah eysan sad bursi ku heystaan ayuu yiri suldaanku.
Isagoo sii hadlaya wuxuu kaloo suldaanku yiri gudoomiyaha gobalka mudug, taliyaha milateriga , talyaha nabadsugida, dhamaantood waa isku qoys,taana cadaalad maahan ayuu ku nuuxnuuxsaday suldaan Maxamed Xaashi Cigaal.
 
Suaalo ey weydiiyeen saxaafadda suldaanka oo aheyd in dowladda Puntland iyo madaxdeeda uu kala hadlay arinkaan iyo dhalilaha uu sheegayo wuxuu yiri suldaanku isagoo dhoola cadeynaayo "Waxaan xafiiskiisa ugu tagay madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole markii aan baahida iyo cabashada aan tabaneyno u gudbiyay wuxuu iigu jawaabay Dowladii Siyaad Barre miyeeysan wax idiin qaban ? taana ma ahan mid beelweynta Leelkase oo ka mid ah beelaha daga Puntland ey xaq u leedahay."
 
Ugu dambeyntii suldaan MaxamedXaashi Cigaal wuxuu madaxda Puntland ugu baaqay iney dhamaan beelaha Puntland iney si cadaalad ah wax ugu qeybshaan oo aysan noqon guri nin leeyahay.
Akhriste ma ahan markii ugu horeysay oo salaadiinta Puntland ey dhawaaqaan, waxaana tan ka horeysay dhawaaqii nabaddoon Yaasiin Cabdi Samad,taana wexey kusoo aadeysaa xili la filayo in doorashooyin ey ka dhacaan Puntland madaxweyne Cabdiraxmaan na uu yahay musharax u taagan inuu mar kale qabto hogaanka Puntland.
 
Waxaa isku soo ururiyay
Abshir Axmed Maxamuud
Al Mahra Media


Geen opmerkingen:

Een reactie posten