dinsdag 3 september 2013


Madaxweyne Faroole oo Addis Abeba gaaray
 
Madaxweynaha dowlad gobaleedka puntland mudane Cabdiraxmaan Sheikh Maxamuud Faroole ayaa boqasho ku tagay caasimada Ethiopia.


 
Mudane Faroole wuxuu kulan la yeesha ra'iisul wasaaraha dalkaas Ethiopia HeileMariam Desalegn, kulankaas oo intiisa badan ahaa dacwad ka dhan ah dowladda federaalka oo uu mudane Faroole ka codsaday dowladda Ethiopia ineey taageerada kala laabato dowladda federaalka .
 
Wuxuu kaloo Faroole ka codsaday ra'iisul wasaaraha Ethiopia inuu ka caawiyo dowlad goboleedka Puntland sideey uga qeyb gali leheyd shirka New Deal si ka madax banaan DF.
 
Ra'iisul wasaaraha Ethiopia ayaa saaxibkii Faroole usheegay in waxa ey kala tirsanayaan isaga iyo DF ay si hoose u xalistaan, islamarkaana ey qurux badantahay in Puntland ay si toos ah ula hadasho DF,wuxuuna ugu dambeynti HeileMariam ku wargeliyay in Ethiopia eysan laheyn maamulka shirka New Deal ,sidaa darteedna aysan wax caawimaad ah siin karin Puntland qaabka ka qeybgalka shirkaas .
 
Waxaa isku soo ururiyay
Abshir Axmed Maxamuud