Gabar yar oo madaxa biyo uga jireen
Waalidkii dhalay gabar yar oo 18 bilood ah oo la yiraahdo Roona Begum oo ku nool caasimadda India ee New Delhi ayaa helay war ey ku farxaan.
Kaas oo ku saabsanaa inantooda yar oo muddo sanad iyo bar ah la daalaa dhaceysay biyo madaxa uga jiray,cudurkaas oo takhaatirtu ku tilmaameen
Hydrocefalia.
Cudurka la yiraahdo Hydrocefalia oo ey takhaatiirta ku tilmaameen cudurada aan aadka loo aqoon (rare disease),haddana daaweyntiisu iyo la tacaalkiisuba ey aad u fudadahay.
Takhaatiirta wexey intaa raaciyeen in jiradan ey sababto in madaxa ey biyo aad u faro badan fariistaan.Cilmi baarayaasha oo muddo degaanka ku marayay cilmi baaris wexey si kadis ah ula kulmeen inantaan yar oo biyuhu mudada sanadka iyo barka ah la saxariireysay.Waxeyna ku qiyaaseen wareega madaxeeda 91 centimitir.

Ogolaansho ey waalidka bixiyeen iyo taageero dhaqaalo ey ka heleen dadka deegaanka waxay usuurto gelisay iney inantaas la wareegaan takhaatiirtaas iyo in lagu guuleysto qaliinkii lagu sameeyay Roona Begum,waalidkeedna oo ku farxo arinkaas.
Faduma Abshir
Tifaf tiraha sare
Geen opmerkingen:
Een reactie posten