vrijdag 16 augustus 2013

Ambasadoor cadde oo la kulmay jaaliyadda reer gent (maqaalkaan waxaan ka soo minguurinay bloggeni hore "hiigso horumar")

 
 
 
 
Safiirka  dowladda ku meelgaar ah u fadhiya xarunta yurub,  islamarkaana  ah safiirka  dowladda ku meel gaar u fadhiya  dalka talyaaniga mudane Nuur Xasan Xuseen (NUUR CADDE) ayaa la kulmay   5 maarso  jaaliyadda somalida  ah ee ku nool dalweynaha  Belgiem , munaasabaddaas oo lagu  maamuusaya   daahfurka safaaradda somaalida ee brussels.
wuxuu ambassadoor Cadde kala hadlay  jaaliyadda uu la kulmay  baahida  ay dadka somaalida ah ee ku nool  dalka belgiem u qabaan furitaanka  safaaraddan, iyo weliba  adeega ay u fulinkarto safaaradda, isagoo ku booriyay odayaashii  iyo dhallinyaradii reer  belgiem  ee la kulmay  iney  gacan ka geystaan dhismaaha  iyo dib u yagleelidda safaaraddi soomaalida  oo muddo 20 sano  ah  aan wax adeega  u qaban ummadda ay metesho.
Jeneraal Axmed S.Dafle
waxaa  iyagana  hadallo soo dhaweyn iyo ballan qaad isugu jira ka jeediyay  qaar ka mid  odayaashii iyo dhallinyaradii  reer belgiem ee shirka kasoo qeyb galay.






Axmed Saleebaan Cabdalle(DAFLE) oo safiirka iyo qunsulka cusub u ballan qsaaday si iskaawax u qabso ah iney uga shaqeynayaa  dib u cusbooneysiinta  dhismaha safaaradda, waxaa kaloo  halkaa hadallo qiiro leh kasoo jeediyay  axmed Cigaal oo kamid odaayshii maagalada leuven ka yimid isagoo  ku dheeraaday  taariikhda safaaradda iyo wixii dhibaato soo maray, halkaana ka xusay  dadaalkii muwaadin Axmed Warsame Cumar Daad u  soo galay  daafaca  summacadda saafaradda, waxaakaloo  halkaa ka hadlay  odey Xasan kaabee oo ka socday  jaaliyadda  Verviers, shiraaye maxamuud cumar, C/raxiim Dheere  oo ka mid jaaliyaddi reer Gent.


Kulankaa wuxuu kusoo afjarmay  is marxabeysiin, soo dhaweyn furan  oo loo fidiyay safiirka  iyo qunsulka iyo weliba shaqaalaha ka howl geli doona safaaradda.

Waxaa soo diyaariyay

Abshir  Axmed  Maxamuud

Geen opmerkingen:

Een reactie posten