zaterdag 31 augustus 2013

Suldaan cusub oo carab saalax yeeshay
 
 
Madal balaaran oo lagu caleemo saarayay suldaan Cabdullahi Abukar Jaamac oo ah suldaankii sedexaad ee ay yeelato beesha Meheri Ismaaciil ( Carab Saalax) ayaa ka dhacday 28 agosto 2013 , duleedka tuulada Jalam oo ka tirsan gobalka Nugaal .
Madasha caleemasaarka waxaa soo buuxdhaafiyay culumaa'udiin, aqoonyahaano, issimo, haween iyo dadweyne kale oo isaga kala yimid gobalada iyo deegaanada ay degaan beeshan Meheri .
 
Xubnigii isimada iyo nabadoonada ee madasha Suldaanka cusub oo ka mid noqon doona isimada iyo nabadoonada beesha Carab Saalax.
Suldaan Cabdullahi Abukar Jaamac ayaa gabagabadii madasha ka hadlay ,wuxuuna u mahadcelyay guud ahaan beesha Carab Saalax sida ay isaga xilkaan culus ugu igmadeen, isagoo ballan qaaday mideynta iyo isku xirka beesha meelkasta oo soomaaliya degantahay.
Doorashadan Suldan Cabdullahi iyo caleemo-saarkiisaba wexey kuso beegmeysaa xilli maalmo ka hor ay xubno ka tirsan isla beesha Meheri Ismaaciil (Carab  Saalax), ay sheegeen ineysan beeshu  isku  raacin in beeshu yeelato issim seddexaad .
 

 

 

 


waxaa soo diyaariyay
Abshir Axmed Maxamuud 


vrijdag 30 augustus 2013

Al fanaan Nuur Daalacay muxuu ka damqaday ?
 
 
Iyadoo baryahaan dambe ey siyaasiyiinta Somaliland ey aflagaado iyo caay aan wax la isula  harin ey isu marinayeen dhinaca saxaafada ayaad moodaa in arinkaasi uu faraha kasii baxayo, isla markaana uu damqay wax garad iyo fanaaniin magac ku leh Soomaalilaand dhaxdeeda .
Caayda iyo aflagaadada ey baryahaan siyaasiyiinta, mucaarad iyo muxaafidba wuxuu ku tilmaamey al fanaan Nuur Daalacay mid laga damqado oo ay ceeb iyo fadeexad ku tahay umadda reer Soomaaliland oo nabad iyo isfahan ku caano maalay, lakin in la is nasab caayo, in reerihii la xamaasadeeyo iyo in la abuuro jawi kicin iyo dareen colaadeed ah waa mid meel ka dhac ku ah Soomaaliland oo demoqraadiyad iyo tubtii nidaamka xisbiyada qaadatay kuna caano maashay ayuu fanaanka ku nuuxnuuxsaday.
Wuxuu Nuur Daalacay kusii daray :"Hadaad moodaan ceydaan in Hargeisa uun laga ogyahay waxaad ogaataan  in caalamka leydinka dhageysanayo, caalamkuna fahamkii shalay uu bulshada reer Soomaliland ka qabay uu isbadali doono ."
Dhinaca kale abwaan fanaan Nuur Daalacay wuxuu saxaafadda ka codsaday ineysan baahin ceebaalkan iyo foolxumooyinkaan baaryahaan hareysay sagxadda siyaasadeed ee Soomaaliland, wuxuuna ku soo afmeeray damqashadiisa in Soomaliland ey la mid tahay ceel cidkasta ey biyo ka cabeyso, nina eysan dan u eheyn inuu ceelkaasi aasmo.
 
Waxa soo diyaariyay
Abshir Axmed Maxamuud

Beesha Meheri Ismaaciil oo fadhi yeeshay
 
Duqeyda iyo wax garadka beesha Meheri Ismaaciil ayaa shir uga qabsoomay gobolka mudug magaalada Gaalkacyo.
Isaraga iyo kulankaas oo soo qabanqaabiyay nabadoonka guud Cabdi Barre Xuseen Kooshin, waxey uga arinsanayeen dhowaaq baryahaan soo baxayay oo sheegaya in qeybo isla beesha meheri ismaaciil ka tirsan laftooda ey wadaan in isin cusub loo magacaabo oo ay beesha meheri yeelato , taana waxaa ka biyo diiday nabadoonka guud isagoo uga digay beesha inteeda kale in arinkaa aan lagu dagdagin magacaabida isinkaa, taana waxey keeni doontaa kala qeybsanaanta iyo beesha oo 2 u kala jabto.
Duqeyda fadhigaa joogtay iyo nabadoonada waxey fariin u direen kuwa deegaanka jallam ee nugaal in arrinkaa uu yahay mid eyna u dhameyn iskuna waafaqsaneyn beelweynta meheri ismaaciil ; bari , galbeed iyo koonfurba.
Isinka la magac dhabay oo ah Cabdulaahi Abuukar oo xiligaan magacaabistiisa iyo caano ku shubkiisa khilaaf ba'ani ka jiro ma wuxuu noqon doonaa mid beesha meheri ismaaciil mideeya mise mid sidii markii horeba ey u kala fogeyd.
Jawaabta suaashaan wakhtiga ayaan u deyneynaa.

Waxa isku soo ururiyay
Abshir Axmed Maxamuud 

Loolanka Cabdi xafiid iyo Cabdinaasir Sola
 
 
Xog isasoo tareysa ayaa sheegeysa in xurguf iyo tartan dhanka  jacaylka ah uu ka dhaxeeyo wariyeyaasha caanka ah ee Cabdi Xafiid Maxamuud Jaamac iyo Cabdinaasir Sola oo 2daba ka mid ah wariyeyaasha telefishinka caalamiga ah ee Universal.
Labada suxufi ayaa in muddo ah ku tartamaayey hanashada gabadha lafteeda caanka ah Jamiilo Xassan Garuun oo ka mid ah wariyeyaasha loogu jecelyahay ee telefishinka Universal.
  dhinaca midig = Cabdi Xafiid , dhinaca bidix =Cabdinaasir Sola , dhaxdooda waxaa ah Jamiilo
Labada wariye waa xaaslayaal,haddana waxaa hunguri uga jiraa in mid waliba uu jamiilo gacanta ku dhigo .
Cabdi Xafiid oo isaga ah wariye caan ah oo barnaamijyo muhiim ah kasoo daayay tvgaas, waxey xogta sheegeysa in isaga iyo Jamiilo ey aad isugu dhawyihiin, is garab fadhiyo mar walba, howlaha tvga isla daadihiya, waxeyna xogtu sheegtay in xariir qarsoodi ah uu ka dhaxeeyo, Jamiilo laftedana xushmad iyo qadarin siiso.
Dhanka kale Cabdinaasir Sola wuxuu marwalba jecelyahay inuu ka ag dhowaado jamiila waxeyna mar walba ku kaftamaan aniga ayaa kaa nasiib badan iyo aniga ayaa kaa nasiib badan, taasoo macnahedu yahay aniga ayaa u qalmo Jamiilo iyo anigaa kaa mudan.
Akhriste fikirkaada kasoo dhiibo 2da wariye kii aad jamiilo siin laheyd.
 
 
Waxaa ururiyay
Al Mahra Media

Cabista shiishada iyo cuduradeeda
 


Cilmi baaris lagu sameeyay dad fara badan oo cabba shiishada ayaa lagu ogaadey in cuduro badan laga qaado.
Baaristan lagu sameeyay dadka isticmaala cabista shiishada oo rag iyo dumar isugu jira waxaa lagu soo faafiyay shabakada caafimaadka ee life science , iyadoo la xaqiijiyay in biyaha ku jiro shiishada ama badeecada ee la jiido ay la mid tahay waxyeelada sigaarka leeyahay oo kale, islamarkaana ay biyuhu wataan carbonmonoxide, iyadoo ey xaqiijiyeen cilmi baarayaasha in tuubada qiiqa soo maro lafteeda laga qaado cudurka kansarka.
Daraasadaan oo ay sameeyeen qubaro Mareykan iyo Japan isugu jira oo ku xeeldheer cudurka kansarka waxey hoosta ka xariiqeen 45.3 boqolkiiba dhalinyarada ay sedex meelood cabaan badeecada ama shiishada, iyagoo weli ku darsada tubaako  iyo waxyaabo kale, halka 46.6 boqolkiiba ay dadka waayeelka ah iyaguna sigaarka cabaan .
ugu dambeyntii warbixintaan waxey odoroostay in 25 boqolkiiba dadka caba shiishada ey u badan yihiin dhalinyaro da'doodu aad u yartahay iyadoo warbixintu kusoo gabagabeysay in tubaakooyinka lagu dhex daro shiishada ay wataan cuduro ay ka mid yihiin bacteria ,infection,oo dhamaantood laga qaado cabista shiishada .
 
waa qalinkii
Faduma Abshir Axmed

maandag 26 augustus 2013



Dhalandhoolka dhalaanka dhib weyn baan ku Qabaa


qalinkii Samataliye Cabdisitaar Dubad
 
Tahriibku waa Aafo, Musiibo iyo mahalako bulshada Afrikaanka guud ahaan gaar ahaana Umadeena Somaliyeed  saamayn baaxadleh ku haysa, waa cudur iyo Caadaysi galaaftay  kumanaan kun oo da’yartii cilmiga iyo cududa u ahayd dalka, waa mushkilad maaraynteeda aynu guud ahaan masuul ka nahay aynu u sii kala mudnaanee, waa Mihnad mudooyinkan danbe meherad u noqotay wax magarato maan-raac ah oo aanay masuuliyadi ka saarnayn umadan haadka shimbiraha iyo hanfiga saxaraha loo dhigayo ama badweyn lagu haligayo  inta huudhi buufimo ah si hoosiis ah habeen loogu guro..
 
Hadaba su’aasha taagani waxay tahay Tahriibku ma wuxuu noqday tab iyo xeelad aynu waalidkii inagu soo tabcay ugu bedelayno  tiiraanyo, tacab khasaar iyo taftaaf aduunyo?
Inay bulshada cududoodii mustaqbalka iyo maantu ay badaha ku dhamaadaan ma waxay noqotay tamartii ugu danbaysay ee nolosheena aynu kula tacaalo?  Maxaase inaga hortaagan inaynu hankeena iyo himilada mustaqbalkeena ku hagno hiyi toosan oo horumar nafaheena iyo dalkeenaba u horseeda.
Somaliland waa dal hodana oo khayraadkiisa dabiicaga ahi kufilaan karo dunida kalena anfici karo hadaynu madax iyo minjo  isu xulafaysano mustaqbal ifaya oo bulshadu kaga guurto halkan aynu taaganahay  ee niyad xumada iyo rajo beelka da’yarteenii ku abuuray,
Hadaynu guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo dhinacyada  qaranku ka kooban yahay ay xafiiltanka siyaasadeed iyo isu xulafaysiga shakhsi araga ah intaynu dhan isakaga Tiirino u tafaxaydano tayaynta  bulsho isku tiirsan oo dhaqaale iyo maamul xoogan leh oo musuqmaasuq iyo cadaalad daro ka madhan kuna dhisan mabda’a maamul wanaaga iyo midnimada shacabka, dal dunida kale tusa danahooda si aynu uga iibino Ictiraafka aynu baadigoobka mudada ugu jirnay, dal dunida aqoonsi ka haysta dadkiisuna ku Najaxaan.
 
Aqoonyahankaa iyo xoogaa dalka ee maalin walba u xidhxidhan safarkaa aan dhamaadkiisa la ogayn iyo bulshadaa bir-magaydadeedii yurub ilaa dalka baylahdeedii waraabuhu ku cunayo,  waa kuwii dalkan ka dhigi lahaa mid isaga loo soo tahriibo oo dunida kale u soo shaqo iyo shaxaad doonato, nasiib darose waxay ka doorbideen in dal kii lahaa uu hagaajistay ay  noloshiisa u hanqal taagan,
 
Waxaan ku soo ururinayaa maqaalkaygan Tahriibku waa naftaadii oo aad galaafanayso, gumaynayso oo aad gaajaysiinayso , waalidkii oo aad goblaminayso iyo dalkaagii oo aad gaabis gelinayso ee aynu ka dheerayno umadeena, maxasteena iyo dhalaankeenaba ugana digno masiibadan ba’an ee inagu habsatay ee Garbabeelka iyo ganacjabka inagu ah.
 
Iyadoo aan madaxweynaha  uga mahadnaqayno gudidii ladagaalanka Tahriibka iyo shaqo abuurista ee uu dhawaan dhisay, waxaan leenahay mudane Madaxweyne Gudidaas weli warkeedu wuu nagu yaryahay hawshanina waa hawl culus ee waa in la dardargeliyaa dhakhsana wax la taaban karo ay u muujiyaan si looga badbaado musiibadan Tahr
 
waa fikirkii qoraaga
 
 

Qurbo joog iyo qorax joog maxaa kala heysta ?

labadii sano ee ugu dambeysay waxaa muqdisho ku soo qulqulayay somaali qurba joog ah oo muddo 20 sano ka badan ku maqnaa dalka dibadiisa.
Qurba joogta dalka kusoo laabatey waxey kusoo kordhiyeen dalka wax badan oo faa'iido ah ,dhinaca kalena waxaa barbar socda kuwo kusoo kordhiyay anshax xumo .
Haddaba maxay qorax joogta Muqdisho iyo qurba joogta u yimid isku qabaan ?
  • Shukaansiga
sanad ka hor haasaawaha Muqdîsho wuxuu ahaa mid aad u fudud , laakin maanta waa mid qaali ah maxaa yeelay gabdhihii qorax joogta muqdisho ma rabaan nin aan ugu yaraan 20 doolar kaar ah kula hadleyn halkii marba ama aan geeyneynin baararka waaweyn sida SEAFOOD, BEACHVIEW, HOTEL CITY PALACE , MAKKA AL MUKARAMAH  iyo JAZEERA HOTEL.
"Anaga hadaan nahay qorax joogta Muqdîsho maalmahaan calankeena wuu dansanyahay, maxaa yeelay gabdhihii waxay u jan jeeraan rag qurbaha ka yimid .Hadaadan halkii hadalba aadan daba dhigin 20 ama 30 doolar ugu yaraan hadalkaada lama maqlaayo" ayuu ku nuuxnuuxsaday mid ka mid ah dhalanyarada qorax joogta muqdisho .
Nin kale oo dhalanyaro ah oo ka mid ah ragga guurdoonka ah ayaa isagana sheegay in gabar ey muddo 2 sano ah saaxiib ahaayeen oo ey ilaa  iyo heer guur ku heshiiyeen ayaa habeen isagoo la jooga ey gabartii weydiisay caawa waxaan rabaa 30 doolar oo aan shopping ku sameysto , wuxuu wiilkii ugu jawaabey hadda  lacag ma haayo bisha markey dhamaato ayaan ku siinayaa, gabadhii oo wijigeeda caro ka muuqato ayaa inankii ku tiri wax yar isug kadibna waxey taleefoon u dirtay nin uu wiilka u maleynaayo inuu qurba joog yahay hadal dheer kadibna waxaa usoo dhacay message lacag loogu soo diray ZAAD oo 200 oo doolar ah , fiiri ayee ku tiri inankii adeer jaceylka aad ii sheegeyso dhab kaama aha ee ina kala daa hadii aad 30 doolar ii awoodi weysay.
Wiilkii mudada dhisayay jaceylkii uu filayey inuu guur ku dhamaado habeenkii halkaa ayuu ka huleelay , waana mid ka mid ah dhibaatooyinka heysta qorax joogta Muqdîsho.

2 sano horteed dhalinyarada haasaawa doonka ah ee reer Muqdîsho waxey gabdhaha ey la haasaawayaan ey ugu badnaan weydiisan jireen 1 ilaa 5 doolar oo kaar taleefoon ah , lakin maanta warkii hore war soo dhaaf, waxey mareysaa 10 doolar oo gaari raac ah soo tuur, liido seafood i geey oo markii ey ugu yartahay laga kacaayo 30 ilaa 40 doolar.

" Hadeysan dowladu arintaan soo faro gelin walaahi waxey tageysaa inaan miino u aasno qurba joogtaan gabdhihii nugu diray" sidaa waxa ku hanjabay nin dhalanyaro ah oo gabadhii uu jeclaa uu ka dul qaaday mid qurba joog ah .

Isku soo duub oo dhibaatadan dhex taal qorax joogta dhalinyarada  Muqdîsho iyo qurba joogtan sida daad ugu qulquleysa waxey u baahantahay qareeno kala dhax gala .

Waxaa isku soo uruuriyay
Al Mahra Media
 
 


Somali Airlines oo dib u socdaali doonto


Dowladda federaalka ee somaaliya ayaa ku dhowaaqday in muddo 3 bilood gudahooda ay howl gali doonto shirkadii dulimaadka ee somali airlines .
Wasiirka war faafinta, boostada,isgaarsiinta iyo gaadiidka mudane Cabdulaahi Ciilmooge Xirsi ayaa warbaahinta u sheegay iney rajo weyn ka qabaan iney dib u howl gali doonto shirkadii duulimaadyada diyaaradaha soomaali airlines intuu sanadkaan dhamaan.


4diyaaradood ayaan balan qaad ku helnay oo ay shirkadu ku howl gali doonto,wuxuu kaloo wasiirku sheegay iney xariir la yeesheen caalamka iyagoo helay diyaarado, duuliyaalne ay la xiriireen, xadiisyadii iyo xarumihii shirkadu ku howl gali jirtayna hadda gacanta lagu haayo sidii loo baneyn lahaa, wuxuuna wasiir ciilmooge rajo weyn ka muujiyay in dadka soomaaliyeed mar kale arkaan diyaaradii calankooda ku duuli jirtay oo caalamka goosheysa , kuna soo degta garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde International Airoport.
Dib u howlgalinta shirkadeeni soomaali airlines waxey soo celin doontaa heybadii iyo karaamadii umadda soomaaliyeed ku laheyd garoomada caalamiga ah ee aduunka , iyadoo dowladda federaalkuna dadaal adag ugu jirto in diyaaradii somali airlines mar kale dib loogu arko muddo 22 sano kadib garoomada caalamka iyadoo huwan calankeenii bulugga ahaa .
Akhriste waa rajo iftiimeyso

Waxaa diyaariyay
Abshir Axmed Maxamuud
Maamulka sare ee Al Mahra Media

zondag 25 augustus 2013

vrijdag 23 augustus 2013

Ex. xildhibaan jeelle :dowladu waxey ku fashilantay sugidda amniga muqdisho




Salaad Cali Jeelle
Salaad Cali Jeelle oo ka mid ahaa xildhibaanadii hore ee DKM ahaa marna noqdey musharax madaxweyne iyo weliba wasiir ku xigeenkii difaaca DKM ee mudane Yuusuf ayaa cod dheer ku sheegay in dhibaatooyin amni daro ey mudooyinkan dambe ka dhacayaan caasimadda soomaaliya ,muqdisho, wuxuuna ku tilmaamey wax laga xumaado amni darada soo kordheysa iyo welwelka soo wajahay muwaadinka reer muqdisho dhinaca amnigiisa, wuxuuna eeda dusha ka saaray dowladda uu garwadeenka ka yahay madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud oo ey ku fashilantay xasilinta amaanka muqdisho.
Ex xildhibaan Jeelle wuxuu hoosta ka xariiqay inuu amaanka uu faraha dowladda kasii baxaayo maalinba maalinta ka dambeysa ,dowladuna eysan awood u laheyn iney xakameyso amniga caasimadda ,isagoo taa ku sababeyay aqoon daro iyo garanwaa uu dusha uga tuuray wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka iyo saraakiisha amniga qarankaba ineysan wax aqoon ah u laheyn howsha loo igmadey, taana ey keentay in amniga uu faraha ka baxo.
"Dowladda aanu ka sugeynay iney mawaadinka soomaaliyeed amnigiisa sugto ayaa lafteda soo wajahday baqdin xoogan taana waxaa calaamad cad u ah dhagxaanta difaaca oo ay soo tubeen wadooyinka mara mudiqho" ayuu yiri ex xildhibaan Jeelle .
Isku soo duub oo hadalkan mudane jeelle ka dhawaajiyay ayaa imaanaya xilli mudooyinkii dambe dilal iyo weeraro is miidaamin ah ey kusoo badanayaan muqdisho iyo nawaaxigeeda .

Abshir Axmed Maxamuud

donderdag 22 augustus 2013

 

DOODA NUGAAL IYO DAALADHACA SIYAASDA DOORASHADA PUNTLAND

Doodu waa nugaal iyo daaladhaca siyaasada doorashada Puntland, waa doorka uu qabiil walba ku yeelandoona Darka doorka soo socda laga dhaansan doono, qabiil walba dowliskiisa ayuu xargo dhumuc iyo dherer leh u raadsanayay, xeel, xaqdaro iyo xoog siduu doono haku soo helee, waxa baratanku ahaa yaa maaxda hore dowliskiisa inta uu u rito dalawadiisa ka dhaansan doona, inta kalena daba taali doontaa, ayaga oo hoganaya inta hormoodka doorkani fulayo, yaase caraqda iyo calaska danbe looga tagi doonaa, oo inta dalawadiisu dhibic iyo dhururuq darka ka weydo, ka dul olali doontaa, ayada  oo la isku haaraamayo, lana leeyahay ciilow wayeey ma cosob ayaan waligeed calfan ceelka Nugaal oo maanta cid uga cudud rooni jirin, waase geel jire iyo xaalkiis, dhaan waliba ka soo hayaan caradiisii isaga oo u soo hubqaatay dalawadiisa, balana qaadaya in uu soo guryo noqon doono asaga oo horweyntiisu tahay tan maaxda doorkan bishimahoodu ka tirtiran doonta.
 
Nugaali maanta waa CAKAARA, oo waxa ka soconayaa “WAA NIN WALIBA CEESAANTII CEELKA KEEN”, Dhaamankiina u soo kala socdaale, Cayn iyo Sool ayaa dhaamanka ka imaanaya nin kaliya lagu aamini waayay, amase isku aamini waayeen, Dr:Saleebaan ayaa sarwaan iyo siriq la iskugu soo daray ileen waa Darwiish daacad ahe, iyada oo lagula soo dardaarmay WAAR DALAWADA, DARKA IYO DOORKA MAANTA AH, Cali Baashise uma arag sidaas isaga oo Reer Sool iyo Cayn ku leh “Qumanaan laheydaa in Cali Dalawada hogaanka u hayo, Darkuna meel nagama jireen markaas”, looguse war celi “Kolay ceelka waad wadi tagi doontaane DALAWADIINU yaanu noqon tan dacarta fuuqfuuqsan” WARI KU DHAN.
 
Socotada Mudug ayaa iyadu  hamuuntu ku yareyd, iyadoo lagu xamanayay in waayadan labacanleyn ku jireen kolkii ay u fooftageen ceelal durugsan oo maax iyo maareba kala kulmeen, Muqdishay aheydna la lahaa, wallow maanta  laga soo meel mariyay, sidoo kale ayaa Darkan Nugaaleedi aheyn mid maaxdiisu ku cusub tahay, ayna ahaayeen kuwii u ritay WADAANTII ugu horeeysay, kana durdursaday inta ayan sidii baykalaha laga sheegi jiray ee la oran jiray “BAKAYLUHU INTA UU BUR KU JIRO AYUU BUR KALE SII DOONTAA”  u baqoolin ceelkaas Banaadir, balse WAX RAAGA RAG KUMA SAMEE, damac kale u muuqay, isna tuse in ay xirfad iyo xodxodasho dheeri ah hadii ay la yimaadaan Darka dowlis kale u ridan karaan, iyagoo iska dhaadhiciyay in daw walba oo loo maro Ceelkan Nugaaleed ayagu yaqaaniin, hal hayskooduna ahaa “WAA LAGUU YAQAANAA, MEEL  MA JIDHO” ayaa socotadii Nuuradiin la yiri xarigeeda qabo, qonof reer ceelcad caan ku ahaayeena waa lasoo baray, si uu socotada  dhaamanka kale wadata dibir ugala daalo, iyadoo gacantana loosoo gashay qadwaan qaarar wayn, qarqarkana loosoo suray qaanso aan reer Mudugba lagu aqoon balse xirfad dheeri uu Nuuradiini ku tilmaamay tanoo cadeynaysay in xeeladaha qaawan ee reer Mudug ayan aheyn mid uu kuwada qanacsanaa Nuuradiin, uuna jeclaystay bal in uu ku milo qidadihii uu BAKOOL uga caani maali jiray, lagulana soo faq “WALIGEEN DALAWO AAN LEENAHAY DIBNO QALALAN LAMA SOO GURYO NOQON”, looba joogee.
 
Bari oo hayaanka iyo habeen socodka Ceelasha looga dheereeyo, ayaa diiday in ceelkan Nugaaleed ee lagu xanto in xigto ka dhigatay mid uun ay ayadu isku xarig wareejiso, hamigooda ka ceshastaan, Reer QARDHANA diide Barinimadii, KARKAARNA KOORAHA GEELOODA KABA DHIGE, iyagoo isku kali yeelay Darka oo Dalawadoodu Caasha ku haysay sanadahan, balse maanta oo dhaaman badani u soo socdaalayaan ay adag tahay sidii Horfule u ahaan lahaayeen mar kale, Reer Bari xanshashaq iyo isku xuluulasho ay xargo iyo shabakado ku daadinayaan bilaabe, ayagoo leh “HOMBOBORO LIBAAX BAY SOO WADAA” Sool/Cayn, Mudug iyo Nugaal, uma arag saadaasha Bari mid meel dheer jirta, balse waa dareensan yihiin in ay yihiin qub moos oo saanta ku joogsataa imbiririxashadeeda leedahay, Farjac yiri “FAJACA BARI BAAN AHEY”, Ceel uusan waligiis u aroorina Awrtiisii usoo horkac, Prof:Muxyadiinse u Dig kuna yiri “Ar anigaaba Sahan ku maqnaa, Surinadiina soo fiirsadaye Socotada ii daa” isna  af celi “ Ii daayaa! Ari Qad Qad, aa latahay, ari wadaamaheenu maba leh dowlis  dherer le’eg Ceelkan Nugaaleed, ee anaa qidad iyo qorshayaalkii Bari u walwaalaya Nugaale, iga war hay, kolay adigu quraan dhurwaa akhrinmayside” Prof: Muxyadiin fiiri duqay dhinac taagnayd, iyana u sheege duco iyo tawakal darka aad uga biyo  cabto ayaad qabtaa.
 
Awr kale oo Barilaga soo jajuubayo indhuhu qabte, tallow waa ayo? Waa Siciid Raage, oo Bari ka dhaadhacshay inuu wadaanta la dhaamin jiray Reer Karkaar, dhabaha iyo tabaheedana wax ka bartay, inkastoo sida Farjac sheegay Dawlisyada Bari iska wada gaaban yihiin, gunta Ceelasha Nugaalna ayan gaarin, hadana lasoo baqool socoto asagu daw yaqaan u yahay, Duqaydii soo ambabixisayna dareenkodu sii in turanturooyin adagi horyaalaan socotadooda, iyaga oo aan u filayn in uuba darka gaari doono.
 
Reer Karkaar oo Wabaxyadoodii ka ag dananayaan, is tuse in laba kaclayni dan ugu
jirto, Duq Cade, oo Mar la arko Darka u fadhiyay, yiri socotada ha la ii heenseeyo,
doodse laga keen, la ye “ AR HANA HODIN” meel walba hooto lagula gaadayo ayaa ka muuqatee, isna Yiri “Mar la arko Hootadu waa jidhay, Dalawadana waan daadihin Jiray” la isku noqay, duul usoo baxe difaaciisii, waa doobab uu gaawayaasha Dalawada uga xoorin jiray, kana deeqdoomay Darka afka kula jireen, ku dhawaaqe “ARBE CADOW AROORI AWRTA” u af-celi, yirina “MAR LA ARKO AYAAN AROOR AHAY”, Nuxnuxi ka dabatimid, Waa Awaare oo dowliska lalaba shubi jiray Cade, raggna ku dareengasheen “MAR LA ARKO DALAWADA CADE IN UUSAN MEEL GAARSIINAYN”, isna yiri Waa Awaaree “Dig,Dabci, Digtoonaan iyo dibir kaleba waan aqaan”, tani Darbo hoose ku noqotay Dowliskii Mar la arko Cade Darka ku sii dayn jiray, dareena in wadaantiisii dabac ku yimid, iska soo luud, isaga oo aan awalba Darka ka  fogeyn, mar la arkona is leh, waa intaas oo meel wax aan la ARKEYN KA SOO BAXAAN, Awaarase lasoo dulindulcee Dhaan iyo Dowlisyo Duqii uu kala haray, su’aalse ka daba timid, mar la arko damaca Karkaar maxaa difeertada u keena? “DARKAY KU CADAAN LA YIRI”.
 
Nugaal dab iyo oog u shite sidii darka ay ugu waabariisan lahaayeen, is xule ayaga
oo buunan dhaadheer yeerinaya, afarta dacal la iskaga yimid, La ye “Darka
Deegaantiisu anaga ma tahay” , jawaabi tiri HAA, “walaalaheen doorarkii hore maka
wabxeen”, Jawaabi tiri HAA,” kaltan weeye micnuhu mayahay”? Jawaabi tiri MAYA,su’aal keentay Nugaal,Waayona tiri? Jawaabi tiri kaltan maahee waa TARTAN, makaanada darka ayaana lagu tartamayaa, Nugaali docaha fiirisay, xansatay tirade makaanada darka afkiisa ay ku gaadhi karto, Jawaabi tiri “shan baad haysataan”, duqi soo bood tirada mafahmee ari ahaan iigu tiri yiri, shan riyood loogu af celi, “Ceesaan aan Xaafad Carab ku soo arkay maku jirtaa Yiri”, Jawaabi tiri maya, “tu kale oo dixda shishadiisa daaqeysayna maku jidhaa hadana Yiri,” Jawaabi tiri Maya, la ye “Cido ayaa iyadana kali ka haysta”, “labadaba tiradayda ku buuxi” duqii yiri, la ye “hade sidaas darka laguma cabeyn”, “Dar iyo Deegaan aan leeyahay Dalawadeydu ku qadi mayso Duqii yiri” laye xataa labada Ceesaamood ee aad soo cirbisay Darka kuma gaadhsiiso, ii Doon Doon Riyo Dagan Duqii yiri, Gaadaale iyo Faroole dayday gale, Xaafad Carab oo ceesaantoodii raad guraya isku soo baxe, “Baadi docdiina raadkeedii soo galay baan doonayn” Xaafad carab tiri, Gaadaale iyo Faroole ugu af-ceshe “awalba booli bay idinku aheyd”, Xaafad Carabi anfariirtay “ Waar daris iyo xigto sidaan kuma wada aheyn” tiri, Gaadaale iyo Faroole “DARKAA NOO MUUQDA KU AF CASHE”, Xaafad Carabi Gaadaale Jaleecday “War adigu Diin iyo Daacadaan u Dhawaa ma laheyd, “Mid kalaa igu khaladeen” yiri, Xaafad Carabi amakaagtay kana daba tuure TIXAN HOOSE.
 
“WALEE CEESAANTAAD NAGA DHACDAAN, CALAF DAR KUU KEENIN” “WALEE CAQLIGAAN ARKAAYAAN, COSOB DAAL KA BI’INAYNIN” “WALEE CASHIIRO IYO XIGTO DANBAAN, NUGAAL KULA CAWEYNDOONIN” Gaadaale iyo Faroole is fiirshe uguna af ceshe Tixahan.“WALEE CEEB AMA DARKAA, MID UUN LA CAWEYNIN”
 
Nugaali celceliska iyo tiradii makaanada u tafaxeyte, sir iyo saaqna ugu tashade in
ay Darka Doorka maanta ah Dalawadooda lala wadaagin, “DARUURAHAY KAA TAHAY” LA YIRI Xaafad Carabi Ciishootay, Makaanadii Mid uga soo har, Kal Hore Baribaa mid ka lunsatay, Maantana Nugaal, Duqaydoodii doodi kala gaadhay, la ye Darka hawo nagama Hayso miyaa?, Jawaabi Tiri “ma maantoo mid ku leedahay ayaa Hawo ku qaaday”, su’aali tiri “hadaan damaca darkan hore u bilaabi laheyn ceesaantayada lama hunguriyeeyeen maanta” Jawaabi tiri “ War idinkaa la iskiin tusay’e Ma dar iyo Dalawaa war u haysaan, tiinii baa dayac dilaye” Dhawaq hoos u yeer, “kumaan maqal” la yiri, mar labaad gunuunuc, waar kor u hadal la yiri, “Waa NUUR oo Darka Damac ka galay” la maqal, tartiib loo wada dus, “Nuur Rag baan u baahnahay” ku cel celi, “Waa Riyootay” loo cel celi, Jawaabtaasi “Maxay tahay” Soo celi “Rixinkii tabcada iyo tuntooyada aad la daba fadhiday Waa ragaasay” lagu yiri, “Waan is rifeynay” soo celi, “RUGTAADAAS KA REEM” lagu yiri, Xaafad Carabi “Darka dacartiisa Diidnay, Daawashaan ka xignaa, Duul allow  namaqal” doodoodii kusoo Meershe, “DAMANAANTU WAA WAXAAN KULA RABAY” laga soo daba tuur.
 
Sanaag u heese horweyntooda, iyagoo hamigooda hanadkii ka runsheegi lahaa
haybintintiisa wada, habeen heelo ka boode, subaxdiina socotadii dhaanka sanaag
horfuli laheyd haybtiisa la sheeg, waa Ilka Jiir, La ye “Hufnaantaa lagu soo xulay”
isna yiri “Hal baa ii Dheer” misna dhehe “Mayee Hubqaadka ayaa lagu soo xulay” isna Yiri “Mayee Hal baa ii dheer” misna dhehe “Mayee Haybtaa lagu soo xulay” isna yiri “Mayee Halbaa ii dheer” misna dhehe “Mayee hal maseeganimada ayaa lagu soo xulay” isna yiri “Mayee Halbaa ii dheer” misna dhehe “ Mayee Hidaayada Diinta ayaa lagu soo xulay” isna yiri “Mayee Halbaa ii dheer”, “HAA, HAA duq hoos u fakarayay” yiri, “Maxaa gocotay?”la weydii, Hal dheeriga Ilka Jiir sow kan aanba Darka in uu Dalawada u horseedo ugu dooranay maaha?duqii yiri, Ilka Jiiri Dhoolo Cadee, kuna darsay Weedhiisa “Dhaanka Sool/Cayn iyo Bari, kuwaan habeenka galinkiisa hore mirayo,weeye, Dhaamanka  Socotada Karkaar iyo Mudugna Saqde dhexe iga dheh midaan xargaha u wada gooyo”, deetana la yiri “Waa Nugaal mida aan hiirta waaberi haamaha dhaankooda hal hal u kala furi doono, wadaan walba oo ay wataana salka walah kasiin doono”, la ye deetana, “Darka marka Subixii waagu dilaaco Dowliska laga shubaa soo kan sanaag oo qudha ma noqon doono” HAA LAWADA YIRI, Ana kan Wadaamo goynta Dhigay Sow Maahi, “ YAA KALEETO” lawada yiri, Dalawadeena oo Wabax ah soo sooma guryo celindoono? Haa lawada Yiri, ILKAHAAS JIIRKA KUWADA DUCAYSTA, waa kuwa dowlisyadii dhumaca iyo Dhererka lahaa ee Mudug, Karkaar iyo Nugaali isla dabafadhiday habeenkii cardaadiiqaha ka dhigay, kuwii gaagaabnaa ee Bari iyo Soolna la timid dunsiibay, La ye “Dooligii Aarka ka saarey Shabaqa sifihiisii Miyaa” isna Yiri “MEEL KALE HAKA DOONIN”.
 
Ceelkii Nugaaleed hadaba gadaal looga kala hayaan, ayadoo lagu dabafaylayo WADAANTA SANAAG EE ILKA JIIRI HOOBAYDEEDA WADO?
 
W/Q MUXYADIIN CIID
waxaa daabacay Al Mahra Media

woensdag 21 augustus 2013

 

Qodobkee  ayuu liqi la,yahay  xasan daahir aweys

 
 
 
Sidii   aan qormadeydii  hore ee xariga xasan daahir   iyo xal u raadinta beeshiisa  ku sheegay  wexey  dowladda  federaalka  hor dhigtay  xasan iyo beeshiisa  3 qodob   kuwaasoo  ay soo qoreen dowladda iyo  bulshada  caalamka ba, qodabaas oo kala ah:
 
1.Inuu xasan daahir caddeeyo mowqifkiisa  ku aadan xarakada  al shabaab  inuu isaga baxay.
2.Inuu ka tanaasulo  fikirkii dagaal wax ku raadinta .
3.In xasan daahir  aqoonsado dowladda federaalka .
 
xog  hoose oo kasoo bexeysa  beesha iyo wadaadkaba  waxaa la sheeagyaa  inuu aqbalay  qodabadaa intoodii badneyd, laakiin  qodobkee ayuu wadaadku liqi la,yahay .
Xogta hoose ee la helay wexey sheegeysaa inuu xasan liqi la,yahay inuu   qodobka ka inuu warbaahinta kasoo muuqdo,kana tanaasulo   dagaalka uu kula jiro dowladda , taasi miyaa loo fasiri ka rin jugjug meeshaada joog.
 
 
 
Abshir Axmed Maxamuud 

Xusni Mubaarak oo xabsiga laga siidaayey

 
Madaxweynihii hore ee wadanka masar Maxamed Xusni Mubaarak oo 85 jira ah ayaa xabsiga dhexe ee magaalada qaahira laga sii daayay. Iyadoo lagu sii daayay shuruuda adag oo maxkamadu ku xirtay waxeyna maxkamadda ugu badashay xabsigii xabsi guri .
Mubaarak waxaa lugu eedeynayay inuu lunsaday malaayiin doolar oo baananka uu leeyahay isaga,wiilashiisa iyo xaaskiisa ey ku shubteen,taana xeer ilaalintii dacwada ku soo oogtay sarkaal sare oo iyaga ka mid ah wuxuu sheegay in eysan weli heyn cadeymo ku filan, lakin dacwadu ey socon doonto .
qareenka u dooda Xusni Mubaarak oo la yiraahdo Fareed Al-Deeb ayaa jaraa'idka u sheegay in ex-madaxweyne Xusni Mubaarak in maxkamaddu amartay in la sii daayo .
dacwada lagu soo oogay ex-dictator qeybteeda kale maxkamadda wexey amartay iney weli socon doonto, taas oo ah inuu ka dambeyay dhimashadii 800 oo qof oo ku banaan baxayay fagaaraha taxriirka markii kacdoonka lagaga soo hor jeeday dowladiisa bilihii janaayo iyo febraayo 2011ka.
Kacdoonkaas oo soo af jaray 29 sano oo uu awooda dalka heystay.
Kourt Debeouf masuulka ugu sareeyo xisbiga liberaalka ee midowga yurub ,wuxuu ku tilmaamay sii deynta Xusni Mubaarak talaabo qalad ah oo maxkamadda masar qaaday.
Waxeyna keeneysaa in dib loogu noqdo talaabo hore loo qaaday .
"Hadii uu Mubaarak soo laabto waxey u ekaaneysaa in la doonayo in lagu noqdo dowladii Dictatoriyaalka aheyd ! " - ayuu yiri siyaasigaa reer yurub.
Al Mahra isha ayeey ku heysaa wararka caalamka
 
Qeybta war qabadka
Abshir iyo Faduma
Al Mahra Media


dinsdag 20 augustus 2013

 Is ma hurtaane ha is dulminina

 
wasiiro dowlaha madaxtooyada mudane Faarax
Waxaa maanta oo  taariikhdu tahay 20ka bisha sideedaad 2013 ka furmay magaalada addis Abeba  wadanka Ethiopia  shir  laba geesood ah oo lagu wada hadashiinayo  dowladda federaalka  iyo maamulka jubbaland  oo dhawaan  laga dhawaaqay magaalada kismaayo.

Wuxuu shirka kusoo beegmay  maanta xuskii iyo baroordiiqdii  maalintii uu geeriyooday  meles zenewaani, ra,iisal wasaarihii hore ee dawladda federaalka Ethiopia.
Ilo wareedyo ku dhow  goobta shirku ka dhacayo wexey u xaqiijiyeen Al Mahra Media in  goor dhow uu shirkaa ka furmay  xarunta wasaaradda arrimaha dibadda  ee Ethiopia.
Qeybta warqabadka  ee Al Mahra Media oo maanta oo dhan u dhuun dalooshay  arrinka shirka  waxaa loo xaqiijiyay in  galabta  iyo caawaba  ay labada geesood  wada hadli doonaan ,berrina  labada dhinac ay soo saari doonaan war murtiyeed ay labada dhinac ku saxiixan yihiin.

Diplomaasiyiin ku dhow goobta shirku ka socdo , wexey noo  xaqiijjiyeen in wafdiga dhinaca dowladda federaalka uu hoggaaminayo  wasiiru-dowlaha  wasaaradda madaxtooyada  mudane Faarax sheekh cabdulqaadir  iyo raxan xildhibaano  ah oo ka tirsan baarlamaanka  federaalka  oo weliba u badan kuwo diidan maamulka  uu horboodayo mudane axmed madoobe.
madaxweyne axmed madoobe iyo ku xigeenkiisa jeneraal fartaag
Dhinaca  maamulka  jubboland waxaa hoggaaminaya  madaxweynaha  maamulka  jubbaland mudane Axmed madoobe iyo  ku xigeenkiisa mudane fartaag, iyaga oo ay kaabayaan  raxan siyaasiyiin ah oo   kasoo jeeda  jubbooyinka , xilal kala duwana kasoo qabtay dowladihii kala danbeeya ee ku meel gaarka  ahaa  iyo  dowladdii kacaanka aheydba(lama carabaabin magacyada  siyaasiyiinta).

Isla xalay  ayay labada  geesood wada casheeyeen, isku tuurtuureen, meeshana lagu kaftamay  iyadoo uu  aarbitaro u ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee Ethiopia Dr.Tedros  Adhanom
Al Mahra  isha ayay ku heysaa  wixii kasoo baxa  shirka kala soco.


Abshir Axmed Maxamuud

maandag 19 augustus 2013

XARIGGA  XASAN DAAHIR IYO XAL_URAADINTA BEESHIISA

 
WAXAAN BARYAHAAN ISA SOO TARAAYEY WAR SHEEGAYA XAALADDA UU KU SUGANYAHAY WADAADKA KU XIRAN XARUNTII NABAD SUGIDA QARANKA SHEEKH XASSAN DAAHIR AWEYS OO MAR AHAA HOGAAMIYIHII XISBUL ISLAM MARKII DAMBANA U DIGA ROGTAY HOGAAMIYAYAASHA URURKA AL SHABAAB OO LA MATAANO AH URUR WEYNAHA AL QAACIDA.
XASSAN DAAHIR OO GACANTA DOWLADDA KU JIRO MUDOOYINKAAN WAXEY BEESHIISU WADAY GULUF EY RABTO INEY XABSI KU JIRAHAAN UGA SII DEYSO GACANTA DOWLADDA IYAGOO GEED DHEER IYO MID GAABANBA U KORAY.
TODOBAADKAAN GUDAHIISA WAXAA SHEEKHA LAFTIISA OO AY HAREER FADHIYAAN JENERAALO ,ODAYO,XILDHIBAANO AY ISKU HEYB YIHIIN, DHINACA KALENA WAXAA SOO FADHIYAY WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA ,WASIIRO KALE IYO CUQAAL.WEXEYNA DOWLADU HOR DHIGTAY XASSAN IYO REERKIISABA 2 QODOB
  1. INUU KU DHAWAAQO INUUSAN KA MID EHEYN URUKA AL_SHABAAB IYO AL_QAACIDABA
  2. INUU KA TANAASULO FIKIRKII DAGAAL OOGIDA ,TAANA SHEEKHA WUU KA BIYO DIIDAY IYADOO ARRINTA KA DHIGTAY CAKIRAN,WAXEYNA KEENTAY XALDOONKII BEESHA XARIG KU JIRAHAN INUU GAABIYO , DHINACA DOWLADDANA WAXAA SOO WAJAHAY CULEYS.
"SHEEKH XASSAN WAA KA BIYO DIIDAY QODOBADAAS WUXUUNA WEYDIISTAY IN WAKHTI LA SIIYO AYUU YIRI JENERAAL SUXAANYO OO AHAA SHEEKHA EHELADIISA .WALAAHI SHEEKH XASSAN AL SHABAAB KAMA MID NOQONIN,HADUU MABAADIDOODA KU QANACSANYAHAY,AAMINSANYAHAY IYAGA LAFTOODA ISKUMA DAYEEN INEY DILAAN ISAGANE KAMA SOO CARAREEN !" AYUU KU DARAY HADALKIISA JENERAAL SUBXAANYO
 
XAL URAADINTA BEESHIISA KA SOKOW WAXAA BARBAR SOCDA GULUF EY WADAAN URURKII XISBUL ISLAAM OO MAR HORE XUUDKA AL SHABAAB LIQAY, WUXUUNA SHEEKH MAXAMED MACALIN OO MUDDO DHEER GARAB TAAGNAA SHEEKH XASSAN , NIN WARIYE AH TELEFOONKA UGU SHEEGAY ISAGOO NAIROBI JOOGA IN DOWLADDA SI DEG DEG AH SHEEKHA USII DEYSO , KUWO AFKA XIRTAY OO AAN LA GARANEYN SOOMAALI IYO AJNABI WEXEY YIHIIN AYAA ILAAIYO SHEEKHA. WIXII SOO GAARO SHEEKHANA MADAX WEYNAHA AYAA KA MASUULA AYUU YIRI SHEEKH MAXAMED MACALIN.
CALI MAXAMED GEEDI OO SIYAASI HORE AHAA AYAA ASAGANE KA HADLAY XAALADAAN XABSI KU JIRAHA XASSAN DAAHIR? WUXUUNA SHEEGAY IN XASSAN IYO KUWO KU FIKRAD AHBA EY UMADDA SOOMAALIYEED U HORSEEDEEN BAABA'A, BARAKAC,DIL IYO QAX,WAANA INUU KA TANAASULAA FIKIRKII AL QAACIDISMKA AHAA KII DOWLAD LA DIRIRKA ,KAN CAALAM LA COLOWGA ,INTAAS OO DHAN WEXEY KEENI KARAAN IN XABSI KU JIRAHAAN XASSAN DAAHIR UU KA BADBAADO ,WUXUUNA INTAA RAACIYAY INUU CAFIS WEYDIISTO UMADDA SOOMAALIYEED OO EY WAX YEELEEN ISAGA IYO KOOXDIISABA.
DAD BADAN BAA AAMINSAN IN SHEEKH XASSAN LAGU KOOLKOOLINAAYO QABIILKA UU KA DHASHAY OO GACAN ADAG KU LEH DOWLADDA HADDA JIRTA, KUWA KALE OO SIYAASIYIIN IYO CUQAAL ISUGU JIRANA ARRINTAAN MID KA DUWAN BEY QABAAN, WEXEYNA U ARKAAN IN GEEDI SOCODKA NABADDA EE DOWLADDA EY WADO YAHAY QEYB KA MID AH DOWLADDA .
WAA TAA TAN MARWALBA MADAX WEYNE XASSAN SHEEKH MAXAMUUD UU KU CELCELIYO IN ALBAABKII NABADDA UU FURANYAHAY.
AKHRISTE WAXAA IS WEYDIIN LEH XAGGEE KU DAMBEYN XAALADDA XASSAN DAAHIR IYO XUSUL DUUBKA BEESHIISU WADO.
 
ABSHIR AXMED MAXAMUUD
AL MAHRA MEDIA

zondag 18 augustus 2013

Dadka Christanka ah ee masar laftoodu waa Target  
 
Ilaa 250 dadka taageersan iyo kuwo xubno ka ahba akhwaanul muslimiinka ah ee masar ayaa ku dhintay iska hor imaad iyaga iyo ciidamada milatariga dalka masar.Iyagoo lagu eedeyay iney yihiin dilayaan iyo terorism.
Iska hor imaadkaas akhwaanul muslimiinta ee taageersan madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Maxamad Mursi iyo militariga dalka masar, waxaa iyagana dhibaato badan oo dhimasho iyo dhaawacba kasoo gaartey dadka Christenka ee reer Masar oo aan filayo inuu midnaba taageersaneyn labada dhinacba .
Dalkoo dhan gobaladiisa meelo ka mid ah waxaa dab la qabadsiiyay dhismayaashii kaniisadaha iyo meelihii ey wax ku caabudayeen .Taana wexey cadeyneysaa in dadka Christanka ahba ey yihiin Target , ama la beegsanayo.
 
Abshir Axmed Maxamuud
 

warar dheeraad ah oo ka soo baxaya dhimashadii princess Diana

 
Ciidamada boliiska ee Ingriiska ee wax baara ayaa weli gacanta ku haya baaris cusub oo ku saabsan dhimashadii princess Diana iyo Dodi Al-Fayed oo 16 ka hor ku dhintay shil gaari ee ka dhacay dalka Fransiiska.
Scotland Yard ayaa sabtigii eynu soo dhaafney jaraa'idka usheegay warbixintaan cusub, war bixintuna ma sheegin warar dheeraad ah inta wax laga hubsanayo.

Journaalka SundayPeople iyo mediaha kale ee ingriiskaba waxey aad u hadal haayaan in nin hore uga tirsanaa ciidamada "Special Air Service"(SAS) warqad uu qoray ninkaas dhaxdeeda uu ku sheegay inuu isaga mas'uul ka ahaa dhimashada Princess Diana iyo saaxiibkeed.
Jaraa'idka wuxuu intaa raaciyay in ilaa iyo sanadkii 2011 in wasaaradda difaaca ee ingriiska iyo ciidamada kale ee dowladda ee ka war haayeen arinkaa.
Baaristii ey hore u sameeyeen dalalka Fransiiska iyo Ingriiska wexey kusoo af meereen in Diana iyo Dodiba e
y ka cararayeen wariyayaasha wax sawira taana wexey sababtay in chauffeurkii gaariga waday cararkii uu la cararayay uu shilku dhaco.
Princess Diana wexey da'dedu eheyd 36 sano Dodi Al-fayedne wuxuu ahaa 42 sano .
 
Fiiro Gaar ah : wixii kusoo kordha warbixintaan Al Mahra media kala socda .
 
Faduma Abshir Axmed
 


zaterdag 17 augustus 2013

Injineer Axmed Shariif Xuseen oo lagu toogtay degmada Shibis

 
 
Kooxo aan heybtooda aan la xaqiijin oo ku hubeysnaa bastolado ayaa saakey degmada Shibis ee gobolka Banaadir ku toogtay Injineerkii guud ee farsamyaqaanada war baahinta qaranka injineer Axmed Shariif Xuseen.
Xogta dheeraadka ah ee la helayo wexey sheegeysaa in injineer Axmed Shariif Xuseen la toogtay daqiiqado yar kadib markii la toogtay gacan ku dhiigle Aadan Cabdi Xuseen oo ahaa ninkii toogtay wariye Xassan Yuusuf Absuge oo ka mid ahaa raxantii wariyayaasha ahaa ee lagu ugaarsadey Muqdisho mudooyinkii nasoo dhaafey.
Gacan ku dhiigle Aadan Cabdi Xuseen
Dilka Injineer Axmed Shariif wuxuu keenayaa inuu mugdi galo yididiilo iyo farxad ey isku diyaarinayeen bahweynta saxaafadda soomaliyeed, maadaama markii ugu horeysay cadaalada la horkeenay lana abaal mariyay gacan ku dhiigle hore u dilay nin saxafi ah.
Agaasimaha guud ee warbaahinta qaranka soomaaliyeed Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf al Cadaala ayaa uga tacsiyeeyay eheladii iyo qaraabadii uu ka dhax baxay gaar ahaan bahda saxaafadda ,wuxuuna si adag oo cod dheer ah ugu sheegay kuwa nabad diidka ah in war baahinta qaranka ineysan sidaas ku hakaneyn.
Waxaan kusoo af meerayaa in Allaha Caziizka ah ee jalla wa jalaaluhuu in Jannadii Fardowsa uu boos ka siiyo.
 
Waxaa soo diyaariyay
Abshir Axmed Maxamuud


Ma dhab baa in taliyiihii ciidamada badda ee somaaliya is casilay?

 
 
Ilo xogogaal ah oo aad isu soo taraya ayaa xaqiijiyay in taliyihii ciidamada badda soomaaliyeed Admiral Sareeye Guuto Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) uu iska casilay xilkii taliyenimo ee uu uhayay qaranka, markii uu qalqal siyaasadeed oo xoogan soo wajahay, kaasoo duulaan ku ah kursigiisa.
Jeneraal Faarax Qare oo sida la sheegay cidiyaha ku dagaalamayay ,wuxuu bilaabey galaangal siyaadaseed iyo kulamo uu la yeelanaayay odayaasha dhaqanka ee beeshiisa si ey uga badbaadiyaan seeftan afka badan ee kusoo foorarta isla markaana leeftay asxaabtii asaga ka horeysay ee ahaa taliyayaashii boliiska iyo milatariga, wuxuuna odayaasha ka codsaday  ineey madaxweyne Xassan Sheekh ku qanciyaan inuu booskiisa taliyenimo fadhiyo.
Odayaashii ergada ahaa wey kusoo hungoobeen,waxaana jeneraal Faarax Qare usoo baxay markii uu shaandheeyay turubkii uu mudada baandheynayay inuu intaan seefta Xassan soo gaarin isaga laftiisa istiqaalad (is casilaad) u gudbiyo madaxda qaranka ugu sareyso, si uu jookarkii uu ka dhax helay turubkii uu baandheynayay ugu qarsoonaado, mar kalena loo igmado xil kale oo qaranku leeyahay.
Jeneraalka waxaa hor yimid maahmaahdii soomaaliyeed ee aheyd  "ninkii qeyrkii loo xiirayow soo qoyso adiguna"
 
waa qalinkii
Abshir Axmed Maxamuud


vrijdag 16 augustus 2013


Dowladda Turkiga oo ku dhawaaqay inay sii wadayso howlaha Samafalka ah ee ay ku Caawinayso Shacabka Soomaaliyeed    

                                                                                   
Jimco, August 16, 2013  Diblomaasi sare oo u hadlay xukuumadda Turkiga ayaa sheegay in howlaha samafal ee ay ka wadaan Soomaaliya ay sidoodii u sii socon doonaan, maadaama mid ka mid ah saraakiishooda lagu dilay Soomaaliya kuwo kalena dhaawacyo loogu geystay. 
 
“Nooma Muuqato sabab nagu qasbaysa inaan niraahno weerarro naglu soo qaaday ayaan u joojinaynaa gargaarkii bani’aadamnimo ee aan Soomaaliya ka bixinno. Howsha gargaarka waan sii wadaynaa maadama xaaladda amni ee dalka ay tahay si soo wanaagsanaanaysa, tan iyo markii weerarka lagu qaaday qunsuliyaddeenna,” ayay yiraahdeen saraakiisha  sare ee u hadlay wasaaradda arimaha dibadda ee Turkiga ah oo la hadlay wargeyska Hürriyet Daily News ee kasoo baxa dalka Turkiga.
xukuumadda Turkiga oo uu horseedka ka yahay ra iisul wasaare tayyip erdogan iyo xukuumadiisuba oo muddooyinkaan dambe gargaar diblomaasiyadeed,mid bini aadanimo iyo mid bulshadeed la garab taagnaa xukuumadda tabarta daran iyo umadda soomaaliyeed .
 Hay’ado fara badan oo kuwa gargaarka ah iyo shaqaale samafal ayaa kaga sugan Soomaaliya, kuwaasoo ka shaqeeya arrimo ay ka mid yihiin dib u dhiska isbitaalladii burburay, iskuullada iyo caawinta caruurta agoonta ah.

Dowladda Turkiga ayaa billowday ololaha ay ku caawinayso Soomaaliya 2011 markaasoo uu Muqdisho tagay ra’iisul wasaaraha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan oo ay la socdaan wasiirro iyo qoyskiisa.
Shirkadda diyaaradda Turkish Airlines ayaa waxay ahayd shirkaddii caalmi ah oo ugu horreysay oo ka howl billowday Soomaaliya 20-sano oo colaado ah kaddib, waxaana garoonka diyaaradaha dhawaan lagu wareejiyay shirkad Turki ah oo dib u dhis iyo  casriyeyn ku sameyn doonta.
Xukuumadda soomaliya uu horseed ka yahay prof. Xassan sheekh Maxamuud ,garbihiisuna ey taaganyihiin gudoomiyaha baarlamaanka soomaliya prof. Jawaari iyo ra iisul wasaare dr.Saacid iyo shacab weynaha soomaaliyeedba waxeyna marnaba iloowi doonin is garab taaga iyo gargaarka walaalaheena Turkiya .
Waana mid ku qornaan doonto qalbiyada iyo laabaha umadda af soomaaliga ku hadasho.
Waxaan qormadeyda kusoo af meerayaa hajiro oo ha joogo ra iisul wasaare Tayyip erdogan iyo xukuumadiisaba , umadda soomaaliyeedne waxaan kula dardaarmayaa kuwa nacabka iyo nabaddiidka ah ee isku dayaya iney walaalaha turkiya wax yeelaaniney gacan bir ah ku qabtaan.
waxaa qoray
Abshir Axmed Maxamuud
maamulka sare ee Al Mehra Media